COODANLE: Shan Qof Oo Xanuunka Shubanka U Geeriyooday Iyo Xog-warranka Maamulka

(SL.Post) Inta la ogyahay Shan Qof-baa Xanuunnada Shubanka Iyo Oog-wareenka oo is-barkan ugu Geeriyooday Tuulada Coodanle ee Gobolka Buuhoodle ee Somaliland.

warka-2-aad

Tuulada Coodanle oo ka mid ah Gobolka Buuhoodle, ayaa waxa Dawladdu iskugu soo ururisay Qoysaskii ku caydhoobay Abaarta Adag ee ka jirta Gobollada bariga Somaliland, laakiin waxa halkaasi ka Dillaacay Xanuunka Shubanka oo uu Weheliyo Xanuunka loo yaqaanno Oog-wareenka, kaasi oo soo ritay Dad badan oo ka mid ah Qoysaska halkaa ku dhaqan, kuwaasi oo Shan ka mid ahi Doraad illaa Shalay ugu Geeriyoodeen halkaasi, sida uu sheegay Guddoomiyaha Tuuladaasi Xinne Maxamed Saalax.

Guddoomiyaha Tuulada Coodanle oo Idaacadda Internet-ka laga dhegaysto ee Radio Koor u warramay , ayaa isagoo faahfaahinaya Tirada Dadka Xanuunnadan ugu Geeriyooday Deegaanka uu Guddoomiyaha ka yahay wuxuu yidhi, “Meesha waxa ka dillaacay Shuban, waxa u raacay wax la yidhaahdo Oof oo Hargabka oo kale ah, Laba way dhinteen oo waanu aasnay, Saddexna Gobolka ayaa loola Cararray oo Ambilaas baa qaaday, laakiin Saddexdii lala Cararray mid baa dhexda ku sii dhintay (Shalay), labadii kalena Cisbitaalka Gobolka ayaa la geeyay.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyey inay jiraan Dad kale oo Xanuunkan ugu Geeriyooday halkaasi, ayaa sheegay, “Intaanu ognahay dhimashadu illaa shan bay gaadhaysaa, waana Carruur dhowr iyo toban jirro ah.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Dad badan baa u jiifa Xanuunkan, laakiin kooxaha Caafimaadka oo meesha yimaaddaa waxay Dadka bukaan-jiifka ah siiyaan Daawooyin, sida  Faleebooyin iyo Dawooyinka Shubanka (Fuuq-celinta).”

Guddoomiye Xinne, wuxuu ka digay in xanuunkani ku sii fidi karo deegaannada kale ee Dalka haddaan si deg-deg ah looga hor-tagin, waxaanu yidhi, “Xanuunkan haddaan laga hor-tagin wuu sii faafayaa, Waayo? Dabeyshaa beddelan, oo waxa dhashay Duqsiga gooryaanka oo meel walba (Duulaya)…Adhiga marka habeenkii la xereeyo Subaxdii Shan bakhtiya ayaa loogu tagayaa, Geela marka Ceelka la geeyo Badh baa lagaga dul-tagayaa Ceelka.”

Xanuunkan Dadku ugu dhinteen deegaanka Coodanle, ayaanay weli ka hadal Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, wallow ay deegaankaa ka joogaan kooxo Caafimaad.

 

 

Somalilandpost.net