COLAAD GUUN AH

QAYBTII 2AAD

 

Ciidamadii boortaqiiskuna iyagoo raacaya taladii ay usoo jeedisay afadii uu ka geeriyooday libnadigal ee magaceeda la odhan jiray Sabnawingalwaxay fadhiisin ka dhigteen meesha la yidhaa Waafle oo ku taal balayga ashange oo u dhaw harada taana, hakashadii gaashaanbuurta ciidan ee xabashida iyo boortaqiisku waxay fursad wayn siisay inay dib isu soo habeeyaan ciidamadii axmed gurey oo ku soo qaadan weerar rogaal celin ah, afar bilood kadibna waxay soo weerareen fadhiisinkii ay fadhiyeen ciidamadii xabashida iyo boortaqiisku, ciidamadii soomaalida ayaa dagaalkaas guulo aad u balaadhan kasoo hooyey iyagoo  ku dilay  140 askari oo  ka tirsanaa ciidamdii boortaqiiska, waxaanay gacanta ku dhigeen abaanduulihii ciidanka Kiristoofar Dagama oo dhaawacah ugu danbayntiina ay dileen markuu diiday inuu islaamo.

Firxadkii ka hadhay ciidamadii jabay ee xabashida iyo boortaqiiska oo uu hogaaminayo imbradoorkii xabashida ee Galawados ayey u suuro gashay in ay dib isu soo urursadaan oo ay dagaal rogaal celin ah ku soo qaadaan ciidamadii soomaalida markii ay hub iyo saanad badan ka heleen dawladii boortaqiiska, 21febraury 1543ayaa dagaal ba’ani ku dhex maray mar kale ciidamdii xabashida oo wali gacan ka helaya kuwii boortqiiska iyo ciidankii soomaalidu meel aan ka fogayn harada taan, dagaal kaas oo socday mudo dhawr maalmood ah ayuu imam axmed ku geeriyooday 25 febraury, taasina waxay dhabar jab wayn ku noqotay kacdoonkii uu hormoodka u ahaa imaamku.

Marwadii kuu ka geeriyooday imaam axmed oo la odhan jirey Batra Dawmra oo ay weheliyaan ciidamadii ka soo badbaaday dagaaladii ba’naa ee ay la galeen xabashida ayey u suuro gashay inay soo gaadhaan magaalada harar,kadib geeridii imaam axmed waxa taladii iyo hogaamintii ciidanka laweergay wiil uu abti u ahaa oo la odhan jireyNuur Ibnu Mujaahid, imaam nuur wuxuu guursaday marwadii uu ka dhintay imaam axmed oo ku boorisay inuu weeraro is daba jooga ku qaado xabashida si uu usoo celiyo dhulkii ay ka qabsadeen, imaam nuur wuxuu ku talaabsaday taladii ay u soo jeedisay marwadu taasina waxay cadaynaysaa doorka sare ee ay hooyada soomaaliyeed ku tahayd hogaanka iyo siyaasada bulshada, bilawgii ololihiisa wuxuu gaadhay guulo is daba joog ah isagoo sooceliyey dhulal badan oo ka haysteen xabashidu ugu danbayn wuxuu taladiisii kusoo ururiyey inuu difaac adag usameeyo magaalada harar, imaam nuur intaanu sadakii 1567 geeriyoon ayaa dagaal ay iskaga horimaadeen xabashida uu ku diley imbradoorkii xabashida ee Galawados oo weerar ku soo qaaday magaalda harar, ciidamadii abasiiniyiintu waxay sii wadeen gaalladii ay ku hayeen dadyawga derisk la ah gaar ahaan saldanadihii islaamka ahaa, weeraradaa axaadka leh ee ay ku hayeen ayaa markii danbe soo gaadhay magaaladii harar oo gebi ahaanba ay ku baabiiyeen raadadkii islaamiga ahaa ee ay lahaayeen dadyawgii degenaa geyigaasi.

In kastoo ay baaba’day awoodii saladanadii cadal oo halkaana uu ku soo afjarmay maamulkeedii hadana shacbigii heer harar ka may tanaasulin inay sii wadaan xaqooda oo ay u diriraan oo waxay u istaageen inay difaacaan sharaftooda iyo dhaqanka suuban ee illaahay siiyey, sadankii  1647 waxa maamulka magaalada harar gacanta ku hayey amiir magiciisa la o dhan jirey amiir Cali Ibu Daa’uudoo u sameeyey nidaam iyo maamul urursan oo ay magaaladu ku dhaqmi jirtay, in kastoo ay weeraro is dabajoog ah ku soo qaadi jireen qabaa’ilkii Oromada  hadana waxay noqotay magaalo ganacsi iyo xarun wax barasho oo ay ku soo hirtaan dadyawaga muslinka ahi, wixii intaa kadanbeey magaalada harar waxay ahayd mid iskeed isku maamusha oo xidhiidh wayn la leh dawladaha islaamka ah, ilaa ugu danbayntii sandku markuu ahaa 1887 boqorkii gobolka shawaee Mililikoo sanadkii1889 noqday imbradoorkii Abasiiniya ayaa weerar ku soo qaaday magaaladii harar ka dibna gacanta ku dhigay, mililik markuu qabasadey magaalad harar wuxuu baabiiyey goobo badan oo taariikhiya isla mar ahaantaana wuxuu usmaeeyey magaalada maamul uu madax uga dhigay Raasmugannaoo aabo u ahaa boqorkii xabashida ee Xayle Salaasa,intaa wixii ka danbeeyey waxa wiiqmay awoodii ay soomaalida iyo gabi ahaanba islaamku ku lahaayeen gayigaas waxana si xawliyah u sii tirtirmayey dhaqamadii ay lahaayeen dadyawgii islaamku.

Laga soo bilaabo 1886 oo ahayd markii uu mililik magacii Abasiiniya u badaley Itoobiyailaa iyo sanadkii 1948waxay talisyadii kala danbeeyey ee Adis Ababa waxay weeraro joogto ah   ku hayeen dadyawgii soomaalida ahaa ee degenaa gayigaasi, iyaga oo u danlahaa inay baabiiyaan gabi ahaanab dhaqanka suuban ee islaamka, sanadkii1935 iyadoo ay jiraan colaado kulu oo u dhexeeya soomaalida iyo xabashida ayuu Talyaani qabasady itoobiya iyo qaybo kamida dhulkii soomaalida, shan sano kadib waxa talyaanigii jabiyey oo kala wareegay talgii gayigaas1941ingiriiska oo isna maaulayey dhulkaas mudo sideed sanadood ah, waqtigaas oo qayb kamida dhulka soomaalida gaar ahaan magaalada jigjiga iyo nawaaxigeeda ku wareejiyey xabashida.

Sanadihii 1954-1956 ayuu markale gacanta u galiyey dhulkaas xabashida wixii intaa ka danbeeyeyna waxa dhulkaas ka jiray kacdoono aan kala go’ lahayn, dadyawgii gayigaas ku noolaa ayaa dagaalo kula jiray gumasiga abasiiniya ee duulaanka ku ah inuu gabi ahaanba ka tirtiro magacooda geeska afrika, dhamaad kii sanadihii kontomeeyadii markii ay soo dhawaatay xoriyadii soomaaliwayn waxa dhulka soomaaliyeed ee gacanta ugu jirey xabashida ka bilaabmay dhaq dhaqaaqyo gobanimo doon ah oo uu hormood u ahaa ururkii Narsullah,  ururkaa waxa si qarsoodi ah ugu mideysnaa dhaliiyarada,wax garadka, cuqaasha, waxa uu ku talaabsaday talaabooyin horu  mar ah, waxa isna jirey urur kale oo ku hawlanaa ganacsiga iyo beeraha oo ay koox dhaliin yaro ahi ka hir galiyeen magaaladQalaafe.

Dhaq dhaqaaayadaas waxay cabsi galiyeen taliskii adiis ababa ee uu hogaaminayey               Xayle Salaasewaxaanu isla markiiba gudoonsaday inuu cabudhiyo ururadaas gobanimo doonka ahaa 25 August1956qudbad uu xayle salaase ka jeediyey magaalad Qabri Daharre ayuu ku tiraabay inay shacbiga deganaa gayiga ogaadeeniya ay kamid yihiin itoobiya, waxa iyaduna xuskeeda leh oo mudan in laxuso inuu waqti aan ka fogayn xiliyadaas uu ku dooday in aanay jirin wax la yidhaa soomaaliya isagoo doonaya in gayigaas gabi ahaanba looga tanaasulo soomaali wayna aanay noqon dawlad madax banana, xayla salaase oo doonaya inuu xasuusiyo jiilalka kala danbeeya ee abasiiniya inay soomaalidu tahay cadawgooda kaliya ayaa xusay qofka kasta oo ku dhashay buuralayda abasiiniya looga sheekeeyey markuu yaraa dhibaatooyinkii uu imaam axmed baday iyo kiniisadihii kuu baabiiyey, wuxuuna yidhi waxay dhibaatadaasi u muuqata mid shalay dhacday oo kale walina waanu xasuusanahay murugadaas, halka ay qaar kamida wadaniyiinta soomaalidu u arkaan imaam axmed geesigooda oo ay ku faanaan.

Madax banaanidii soomaaliya kadib waxa sii xoogaystay kacdoonadii gobanimo doonka ahaa eek a jiray kilalka shanaad ee itoobiya, taasoo keentay in dhaliin yaro badan ay taliska adiis ababa xabsiyada u taxaabaan  waxaanu taasi sabab u noqotay in kooxo dhaliin yaro ahi isku urursadaan biliga Xodayoee gobolkaDoolo ee gayigaasi, halkaaso oo 16 june 1963ku aasaaseen urur hubaysan oo dagaalojoogto ah kala hor tagay maamulkii xabashida ee dhulkooda xooga ku haystay, waxaanay falaadh lama filaana ku noqotay xayla salaase iyo taliskiisii oo isla markiiba soo abaabulay dagaal ay ku soo qaadeen dalka soomaaliya si ay dagaalka uga dhigaan mid xuduudeed aduun waynaha intiisa kale u tusaan in soomaaliya oo afar sano oo kaliya jirtaa dagaal ku soo qaaday dalka  itoobiya.

Waxa sii xoogaysanayey jabhadaha kasoo horjeeda taliska adiis ababa ee uu hogaaminayey xayle salaase, waxay isa soo taraanba dagaaladii googooska ahaa waxa dhacay dagaal aad u ba’ab oo ay si toosa u dhexmaray markale dadwaygii reer abasiiniya iyo dawladii soomaaliyeed sanadku markuu ahaa 1977. Waxa uu halkaas casharo lama ilaawaan ah ku qaatay talskii xabashida, sidii caadada u ahayd taliskii adiis ababa wuxuu fariin cabasho ah u dirsaday wadamada reer yurub iyo kuwii eeshiyaanka ee shuuciga ahaa oo gacan saar lalahaa, isla markiiba waxa usoo jawaabay dalkii midawga soofiyati, wadamada cuba,yemen iyo liibiya ayaa si toos aha dagaalkaas u soo galay iyagoo usoo diray hub far badan iyo saanad ciidan oo xoog leh, dagaalkaas oo ay soomaaliya guulo waawayn ka gaadhay ayaa markii danbe ku dhamaaday inay dib uga soo baxaan dhulkii ka xoreeyeen xabashida waxaanu soo af jarmay dagaalkii sanadadii sideetameeydaii, sanadkii 1986ayaa hogaamiyihii soomaaliya Maxamed Siyaad Bareiyo hogaamiyihii itoobiya Mingiste Xayle Maryamku kala saxeexdeen heshiis magaalada jabuti qodob kamida heshiiskaas ayaa dhigayey inay gabi ahaanba joojiyaan labada dhinacba kaalmadii ay siinayeen kacdoonadii ka soo kala horjeeday labada nidaam ee muqdisho iyo adiis ababa.

Taasi waxay soo dadajisay in jabhadii  kasoo horjeeday nidaamka muqdisho ay weeraro ku qaadaan magaalooyin kamida woqooyiga soomaaliya, dhinaca kale cadaadiskii iyo cabudhiskii soo waajahay jabhadii gobanimo doonka soomaalida ayaa kalifay in lagu dhawaaqo urur ka madax banaan muqdisho, waxaana la aasaasay ururka xoraynta ogaadeeniya ilaa hada u taagan xoraynta dhulkaasi, ciidanka xoraynta ogaadeeniya oo kaashanaya bulsho waynta soomaaliyeed ee gayigaas wuxuu hadh iyo baheen dagaal kula jiraa cadwga umadda soomaali galbeed xooga ku haysta dhulkooda, waxaan ay fooda iskula jiraan nidaamka Males Sanaawi oo helay fursado aad u wanaagsan oo uu udiyaariyey nidaamkii ka horeeyey Mingistesi ay u fuliyaan mabda’ guud ee abasiiniya oo ah baabi’inta soomaaliya taana waxa cadyn u ah dagaalada joogtada ah ee maamuka xabashidu ku hayo dad yawaga soomaalida.

Marxaladaha taariikheed ee soomaray khilaafka geeska afrika oo kabadan boqolaal sano ayaa waxa dib usoo laabtay siyaasadii foosha xumayd ee ay ku dhaqmi jireen reer abasiiniya ee ahayd kala qaybinta iyo iska horkeenka shucuubta deriska la ah, waxan muuqata in uu taliska adiis ababa ku hawlan yahay kala qaybinta dalka soomaaliyeed oo ka dhigo mandaqo yar yar oo isaga ka ama qaata, laga soo bilaabo imbradoorkii ugu horeeyey ee xabashida iyo madaxdii kala danbaysay ee qabatay maamulka xabashida oo kuwoodii ugu danbeeyey ay ahaayeen Xayle Salaase , Jeneraal Amaan , Tafare Beente , mingiste xayla Maryam ,  oo ahaa ninkii kala furfuray siyaasada soomaaliya markii uu helay fursad qaaliya oo ay u geeyeen qaar kamida saraakiishii ciidankii xooga dalka soomaaliya iyo Males Sanawioo ku mashquulsanaa kala qoqobka dadka soomaaliyeed si uu uga dhigo mandaqado yar yar oo uu isagu xukumo, kuligoodba waxay aaminsanyihiin baabiinta ay soomaalida ka tirtirayaan geeska afrika.

                                        Dhamaad

W/Q: Axmed Ismaaciil Axmed “Gashanle”

Tixraac: Lewis, I.M., “The Somali Conquest of Horn of Africa”

               Conquest of Abyssinia

             www.markacadey.net