CODKAAGA KU CIIDAMI-2 ~ SOCDAALKEYGII AWDAL – W/Q: Axmed Carwo

Axmed Carwo

Ahmed Arwo

Axmed Carwo

Waxay ahayd casar gaab isniineed xiligaan  la safaray wafdiga Madaxweyne Xigeenka Mudane Cabdirahman Saylici oo u ambabaxay gobalada galbeedka. Waxaanu galnay maqrib dabadeed magaalada Boorame anagoo sii marnay dariiq dheer oo laami ah bal se u baahan dayac tir iyo dhammeystir ay ka muuqato hawl qabyo ah oo socota oo hareeraha ay tuulantay ciid iyo dhaxii dhismaha. Waa jid laami ah oo bilaha soo socda si wacan u dhoweyn doonaa safarka Hargeysa iyo Boorame. Habeenkaas salaan iyo is wareysi mas’uul iyo odayada bulshada oo koox koox ah ayey ahayd. Subaxii salaasadana waxaa bilaabmay is-aragii rasmiga ahaa ee wafdiga iyo xukuumadda gobalka. Waxa wafdiga ku wehelinaaya Madaxweyne Xigeenka Wasiirada Gobalka: Wasiirka Dib-u-dejinta, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasiirka Beeraha, iyo Wasiir Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, iyo aniga oo ah La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga.

Xiligii shaqadu kolkay dhammaatay, waxa bilaanmay hawshii xisbi xaakimka ee KULMIYE oo berrito oo Arbaca ah leh bandhigii ugu dambeeyey ololahooda. Waxa Isagu yimid maamulkii degmooyinka gobalka sida Boorame, Lughaya, Boon iyo Baki. Waxa gubaabo iyo talooyin hawl-gal ah leysla qaatay dhammaan ergooyinkii iyo hoggaamadii xisbiga ee demooyinka. Waxaana ambabaxay mas’uulintii xisbiga ee ka yimid degmooyinka ka baxsan Boorame. Waxa leysla qaatay in berrito la muujiyo cududa iyo awoodda xisbi ee  gobalka iyadoo la dhowraayo sharciga iyo nabadda guud.
Waa balankii iyo maalintii iyo goobtii dhoolatuska KULMIYE iyo kheyriyadda. Waa goob ilyartu is qabatay, waxa loo joogaa si xarogo leh waa tageerayaal buux dhaafshay banaankii weynaa.Waa 21 musharax. Raggu waa labaatan ay weheliso gabadh qayb libaax ka qaadatay bandhigan awoodeed. Waxa sinmay boodhadh muujinaaya sawirka iyo lambarka musharaxa waa min 301 ilaa 321. Waxa socda dhalinyaro ku labisan dharka hidaha iyo dhaqanka iyo dhar labada midab ee KULMIYE ka kooban, huruud iyo cagaar. Qurux gooni ah iyo midab lamaan oo isku habboon. Waxa socda koox bigil garaacaysa oo si wacan isula jaan qaaday oo noqday koox baan boy ah oo uu goobta keenay musharax. Waxa isna soo galay awr iyo daayeer wata sawirka iyo lambarka mushar.
Kolkay buuxdhaaftay kheyriyaddu waxa xidhmay jidadkii iyo goob kasta oo banana, ayey mas’uuliinta amnigu dalbeen in xafladda la bilaabo si loo fududeeyo culayska saran magaalada. Waxa la gartay in khudbadahu gaabtaan oon laba ruux wax ka badani ayna wafdiga ka hadal. Waxa hadlay Badhasaabka iyo Mayorka oo soo dhoweyn iyo warbixinba akhriyey. Madaxweyne xigeenka ayaa madasha soo xidhay isagoo ka hadlay qiimaha doorashadani leedahay iyadoo loo baahan yahay in dawladda hoose iyo tan dhexe isla jaan qaadaan oo loo baahan yahay in KULMIYE ku guuleesto doorashada si uu hoggaanka degmooyinku u noqdaan qaar mataaneeya xukuumadda dhexe.
Nasasho yar ka dib dhaanka lama furin ee waa geedi kale iyo dhanka degmada Baki. Waa dariiq xun oo jar iyo buur ah. Mid xiq iyo dhug badan ay weheliso boodh iyo habaas meeshaan aan lahayn dhagaxa. Waxaanu gudubnay Dhuuso Qadhmuune iyo Toddoba Karmood. Waxaad arkaysaa bahida halkan taalaa inay tahay jid iyo jid iyo jid.
 Waxaanu istaagnay Bakidii Hore oo ah hadda tuulo yar, kolkii aanu la kulnay dad is abaabulay oo u soo baxay inay wafdiga qaabilaan. Bariido salaan iyo wergelin kooban ka dib, waxa loo dhaqaaqay laba jiho, aniga iyo Wasiir Xigeenka Waxbarashada waxa naloo diray inaanu toos u tegno Baki oo dadku ilaa saaka ay sugayeen wafdiga. Wafdiga inta kale ee Madaxweyne Xigeenku hoggaaminayo waxay u dhaqaaqeen inay sii maraan Ruqi oo ay kula kulmeen taageerayaasha KULMIYE oo maalintoodii ugu dambeysay  muujiyey awood ayna cidi ku labayn.
2.30pm ayaa wafdigu ku soo dhammaaday Baki. Waxa mar keliya isla oogsaday mashxarad, caleen rux iyo sacab soo dhoweyn. Waxay iloobeen daalkii hayey, waxay iloobeen inay ilaa 10kii subaxnimo jidka tumnaayeen, waxay iloobeen wax kasta oon ahayn soo-dhowseyn iyo damaashaad. Waxa muuqday jaceylka loo qabo hoggaanka dalka iyo xisbi xaakimka. Waxa goobta ku dhan murashaxiintii oon cidi ka maqnayn, hoggaanka golaha degaanka iyo maamulka xisbiga ee heer degmo. Waxa bilaamay khudbadihii oo dabcan ay maamulka degmada oo uu hor kacaayo mayarku akhriyey soo dhoweyn iyo taageerada bulshada ee xukuumadda iyo xisbul xaakimka oo uu mayorku ka soo jeedo. Waxa ereyo kooban oo dheerigelin iyo taageero doon ah akhriyey Wasiirka Beeraha. Waxa la soo gaadhay xiligii aan hadli lahaa iyo meeshaan marin lahaa warbixin, talo, iyo tusaalayn.
 Waxaan qudbadayda dib ugu dhigi doonaa maqaalka kan xiga. Waxa madasha soo xidhay Madaxweyne xigeenka oo tusaaleeyey sida barnaamajkii Kulmiye wax loogu qabtay, sida Kulmiye u rabo in la helo Gole degaan oo la wadaaga siyaasadda horumarka dalka iyo in laga digtoonaado in siyaasadda dalka ee tobanka sano ee soo socda ay ku kaliyeystaan dad aan khibrad iyo waayo-aragnimo midna lahayn. Hogaankan la tijaabiyey ee Kulmiye ayey danta guud ku jirtaa…ayuu ku soo gunaanaday Maxaweyne xigeenku.
Qiimeyn iyo Qadarin

Waxa ii muuqatay in Awdal tahay gobol wagarad iyo waayeel u taliyo. Dad aqoon iyo shaqo aaminsan, dad jecel horumarka, wadajirka iyo midnimada Soomaliland. Dad siyaasadda ka aaminsan dimuquraadiyadda dhabta ah, ku qiimeeya siyaasiga wax qabadka iyo aqoontiisa. Garaadka bulsho ee koray  waa mid laasimay inuu mahadiyo wax qabadka muuqda, waxa uu tabaayana sheegta. Waxa ii cadaatay awoodda xisbiga KULMIYE gobolka ku leeyahay oon cidi tiigsan karin. Xisbi kow aad u sareeye ka ah Awdal. Waxaan aqoonsaday in reer Awdal rabaan wax-qabad, kuna qancayn in inta KULMIYE qaban karo inayna ururo yar yar oo dhowaan dhalad ihi qaban Karin.
Waxa reer Awdal ka dhab ah taageerada xisbiga KUlmiye, waxayna ku muujin doonaan maalinta Arbacada ee 28ka bishan November. Waa mid aan ku kalsoonay oo dhab loo arki doono. Cod khasaara ha yaraado. Codkiina muwaadin sida Awdal ku Ciidamiya oo ku doorta waxqabadka iyo horumarka.
Codkaaga ku ciidami oo ka ilaali inuu noqdo cod cidla ku dhacay iyo mid ciil iyo cadho kugu reebaa.
Waa guusha iyo Kulmiye, si golayaasha degaanadu ay ula jaan qaadaan barnaamajka Kulmiye ee Xukuumadda Dhexe. Mataanee cududaada oo ciirso awoodda iyo himmilada xukuumadda dhexe.
Waa inoo mar kale iyo CODKAAGA OOD KU CIIDIMISO.
Axmed Xasan Carwo