Ciyaartoygii Gobolka Sool oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood

Laascaanood, (SLpost)- Xulka kubadda cagta ee gobolka Sool ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ka dib markii meel 30 KM  galbeedka magaalada Laascaanood ka xigta ay kaga hortageen bulshada ku dhaqan magaalada iyo maamulka gobolka Sool & kan degmada.

Xulkan oo isagu guulo ka soo hooyay koobkii tartanka ciyaaraha Somaliland ayaa si diiran oo aan kala hadh lahayn loogu soo dhaweeyey magaalada in kasta oo aanu gelin kaalinta koowaad ayaa hadana waxa uu soo qaatay 2 koob oo kala ahaa Koobka asluubta iyo kan ciyaar wanaagga tartankii ciyaaraha gobollada Somaliland.

Markii ay ciyaartoygu gaadheen magaalada waxa lagu soo wareejiyey daafaha magaalada oo ay safnaayeen dadweyne aad u tira badan oo lulayay caleemo qoyan waxaana la isugu tegey hoolka shirarka ee dawlada hoose ee degmada Laascaanod halkaasi oo xaflad heer sare ah loogu sameeyey xulka gobolka Sool.

Xafladaasi oo ay ka soo qaybgaleen bulsho aad u tira badan,badhasaabka gobolka Sool, maayarka magalada Laascaanod Keyse Maxamuud Xuseen, Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool, xoghayaha dawlada hoose, ururada bulshada ee gobolka sool iyo kooxa kubadda cagta ee ka jira  gobolka Sool.

Ugu horey, waxa halkaasi ka hadlay gudomiyaha gobolka sool oo isagu u hanbalyeeyey  xulka kubada cagta ee gobolka Sool oo isagu kaalin muhiima ka galay tartankii kubada cagta ee Somaliland sheegeyna in ayna halkaasi kaga hadhin ee ay sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan kor usoo qaadidda ciyaaraha gobolka Sool.

Sidoo kale, waxa iyana halkaasi hadallo kala duwan ka soo jeediyey maayarka magaalada Laascaanood isu duwaha wasaaradda ciyaaraha ee gobolka Sool, taliyaha qaybta booliska  gobolka sool iyo qaarka mida bulshadii ka soo qayb galay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net