Ciyaartoyga kooxda Manchester United oo baaq codsi ah u jeediyey Scholes

SLpost Sports – Ciyaartoyda kooxda Manchester United ayaa si wada jir ah ugu baaqay laacibkii hore ee khadka dhexe ee kooxda Paul Scholes inuu ka tanaasulo ka fadhiisashadii ciyaaraha oo uu ku soo laabto garoomada.

Scholes oo 37 ah jir ayaa iska siibay kabaha kubada cagta xilli-ciyaareedkii la soo dhaafay, wixii markaasi ka danbeeyeyna waxa uu tababare u ahaa koox juunyar ah sidoo kalana mararka qaar waaba u ciyaaraa.Dhawaanahan kooxda waxaa khadkeeda dhexe soo wajahay dhaawacyo, sidaasi daraadeed qaar ka mid ah asxaabtiisa waxay ka codsadeen in uu garoomada ku soo laabto iskana ilaawo ka fadhiisashada ciyaaraha.

Warar kale waxay leeyihiin tababaraha kooxda Alex Ferguson qudhadiisa ayaa raba in ninkan ku wanaagsanaa khadka dhexe ee kooxda United uu caawiyo kooxda maadaama ay siddeed ka mid ah xiddigaheedu oo aad muhiim ahi ay hada dhaawac ku maqanyihiin.

Scholes wuu diiday dalabkaasi, laakiin wareysi uu siiyey  Sun Sport ayuu ku sheegay inuu ka shalaynayo in uu iska casilo ciyaaraha taasi oo uu ka door bidi lahaa in hal xilli -ciyaareed uu sii joogo kooxdiisii hore ee Manchester United.

Sports News Desk

sports@somalilandpost.net