Ciyaaraha Gobolada Somaliland: Bari iyo Galbeed – W/Q: A/Fataax Mohamed

QALINInkasta oo Tiro badan oo Ciyaaryahano ahi aduunka ay ka soo Qeyb galaan Tartamada caalamiga ah,haddana sida inta badan aynu aragno waxa ku hadha oo laga reeba kuwa inta badan ka soo Jeeda dhinaca Bari  ee Qaarada ama gobolada Bariga ka socda.Koobabka FIFA waxa inta badan iskugu soo hadha wadamo ka socda Galbeedka Aduunka oo inta badan ay ka mid yihiin wadamada reer yurub ee kubada ku caanka ah.Wadamada reer yurub ee Barigu ma laha Awood ciyaareed oo ay ku gaadhaan Heerarka ugu danbeeya ee Koobabka ay ka qeyb galaan.Markasta waxa aynu daawanaa England, Italy, Sweden, Norway, Holland, Germany, Finland, Denmark, Spain iyo Portugal mana ah Yurub intaasi oo keliya.Dhinaca kale Wadamada aduunka ugu dhaqaalaha badan ama ugu awooda badan dadkuna u socdaalo loona Tahriibayo Ayaa sheegta magaca Reer Galbeed ama wadamada West ee Qaniga ah.Dadka aduunka oo dhan Ayaa beegsanayaa Caasimadahaasi kana tahriibaya wadamada Bariga u badan ee ay ka soo Jeedaan.Dadka Aqoonyahanada ah ee ka Yimaada wadamada Reer galbeedka weynu Jecelnahay Maxaa Yeelay waxa aynu u heysanaa meel dhaqaale,Xadaarad,Aqoon iyo Cilmi lagala Yimaado.

Horta ugu Horeyn Ciyaaraha gobolada Somaliland waxa ku hoobtey kana wada Hadhey ciyaarihii ugu danbeeyey waa Gobolo intooda badan ka soo Jeeda Bariga somaliland.Kooxaha maanta Koobka isku Horfadhiyaana waa kuwo ka dhisan Gobolada galbeedka Somaliland.Lama odhan karo Galbeedka somaliland waxa ku nool dadka ugu wanaagsan somaliland,Hase ahaate waxa la odhan karaa waxa ku nool dad heysta Adeegyo kaabayaal nololeed oo ka badan kana horumarsan marka la eego nolosha ka Jirta guud ahaan Bariga somaliland.Dabeecadaha,Aqoonta,Waayo aragnimada,Deegaanka,Shaqada iyo Adeegyada intaba waa lagu kala duwan yahay.Mar haddii horumarka dadka galbeedku ay ka  gaadheen nolosha somaliland ka horeyso kuwa Bariga waxa ay suurtogal ka dhigeysaa in ay iyagu ka muuqdaan meelo badan ama iyagu ay hormood u noqdaan Sida Ciyaaraha gobolada oo kale.

 

Maxeynu Ciyaaraha Gobolada somaliland u qabsaney? Ciyaaraha somaliland ma waxa loo Qabtey in dhalinyarta lagu dhiirigeliyo,lagu Jiheeyo,la isku baro,dadku ay isku dhex galaan,Wanaaga lagu faafiyo iyo is jaceylka.Mise waxa loo Qabtey in Qabyaalada iyo aafada xaasidnimada ama reernimada lagu horumariyo.Ciyaaraha gobolada somaliland maxaa kaaga soo baxey.Maxaa dhaliil taagan.Maxaase wasaarada ciyaaraha gaar ahaan wasiirka eed ah ee in loo Jeediyo ay ku haboon tahay.Dhalinyarteena la iskugu keenay Hargeisa ma u aragnaa kuwo  dareenkii ciyaaraha somaliland laga lahaa la yimi mise beelo iyo Qabiilo ayaa wada ciyaaraya.

Haddaba maxaa Koobkan Ciyaaraha gobolada Somaliland kaga duwan yahay kuwii hore.

1.Gobolada somaliland oo dhan Ayaa la iskugu Keenay ,iyada oo la sameeyey Hab cusub oo la iskugu daro Kooxaha oo Tiro shan ah meel laga dhigey.

2.Kooxda ku Ciyaareysey Magaca Gobolka Sanaag Ayaa fileysey in ay ku soo baxdo Kooxda Kaalinta 8aad oo laga saarey tartanka arintaasi oo sababtey in mudaharaad weyn lagu qabto ceerigaabo lagaga soo horjeeedo

3.Marna ciyaaraha kale ma muuqdaan lagamana sheekeeyo.waxa qudha ee la hadal hayaa waa Kubada oo ciyaarihii kale xiiso iyo daawasho looma hayo.Ciyaarta ku xigta kubaduna waa ta Koleyga.

4.Tirada Ciyaaryahanada 400 kor u dhaafey intooda badani waa kuwo Ciyaaraayey Kubada ama koox Kubadeed la socdey

5.Waxa la Maqley gool eex ku dhashey oo in badan la hadal hayo dadka qaarkood yidhaahdeen xal ayaa loo arkey

6.waxa aad loo Maqley in laga cawdo ama la diido Garsoorayaasha Ciyaara qaarkood oo lagu eedeeyo in ay dhinac u janjeedhaan

7.Cadaalad daro Dhinacyo badan ah ayaa soo Ifbaxdey.Eedo Ayaa tiro beelay

8.Dad badan Ayaa Rumeysan in Wasiirka ciyaaraha somaliland eed ku leeyahay Dhibaatooyinka ku furmey ama ciyaaraha somaliland hadheeyey.aad baan u maqlayaa Dad badan oo Wasiirka ciyaaraha somaliland si toos ah ugu riixaya wixii dhacey oo dhan.Dhan kale xubno ka tirsan golaha wakiilada ama barlamaanka somaliland Ayaa ka codsadey in wasiirku is casilo.

9.Waxa cusub ee la Maqley Dagaalo ku dhex mara ciyaaryahanada isku kooxda ah Suuqyada ama guryahooda dhexdooda.Koox wada socota haddana dagaal iyo colaadi dhextaalo Ayaa laga sheekeynayaa.

10.Waxa la ii sheegay ciyaaryahano weerar ku qaadey garsoorayaal joogey suuqa oo ay diideen sida uu ciyaarta u maamuley.

11.Shebekadaha qaarkood ayaa faafiyey warar been ah oo ay doonayeen in ay Kooxda gobolka maroodi jeex isaga horgeeyaan oo la beeniyey

12.Siyaasiyiinta somaliland Ayaa la kala saftey ama lagu dhex arkey garoonka maalmaha Kooxda ay wataan ciyaareyso.

13.Casuumado iyo Dhaqaale uruurin ku saleysan Qabiil Ayaa ciyaaryahanada lagu taageeray.Dadka qurbo jooga ah ama kuwa siyaasiyiinta ah ee u dhashey beelaha ama gobolka kooxdu u ciyaareyso Ayaa si toos ah qaarkood iskugu dayeen in ay dhiirigeliyaan ama u qabtaan casuumado iyo Qado ama casho Sharaf

14.70% Dadka ciyaaraya waa reer hargeisa haddana Marti ayey ku matalayaan bishan

15.Ceeb iyo Sharaf daro Weyn ayaa ka soo Gaadhey koobkan iyo tartanka Kooxda kubada Cagta ee ku ciyaareysey Gobolka togdheer

16.Waa Tartan ay aad uga muuqato  Qabyaalad iyo Cadaalad daro meelaha qaarkood

17.Taageerayaal kooxaha qaarkood la socda oo Rabshad iyo dagaal diyaar u ah Ayaa garoonkaba looga joogey

18.Waxaad dareemeysaa in ay haboon tahay in Garoon kale laga dhiso meel ka duwan xaafadan uu ku yaalo Hargeisa Stadium

19.Waxa badan dad u ciyaaraya Gobol aaney u dhalan ama ka soo Jeedin ama sannadba gobol iska  tagaya

20.Awooda ciidanka amaanka Ayaa weli aad uga hooseysa ka hortaga rabshado ay taageerayaal  ku kacaan

21.Waxa la maqley dhalinyar wada ciyaareysey oo iskula baxey Toorey iyo midiyo

22.Waxa la arkey koox garoonka dhexdiisa ku dagaalantey oo gaadhiga ciidanka lagu wada xareeyey

23.Saacada ciyaaraha la bilaabo qaarkood ayaa 2 oo rubuc dhiman aheyd,lacagna laga qaado taagerayaash

24.Shirkada is gaadhsiinta somtel oo ka qeyb qaadatey gudbinta codka weriyayaasha ciyaaraha  ka soo waranaya ayaa dadka qaarkood ku sheegaan in looga eexdey shirkada telesom

25.suuqa meelkasta oo aad marto waxaad maqleysaa dadka oo ciyaaraha ka sheekeysanaya yar iyo weyn

26.muuqalada daawashada xayeysiiska suuqa oo ciyaarta laga soo gudbiyo,iyo televisionada oo si toos ah loogala socdo lagana dhageysanaayo sida ciyaarta loo xayeysiinaayo ayaa lala wada socdaa

27.Bishan waxa badalan Guud ahaan Jawiga Dadka iyo hadal  heynta oo la xidhiidha Arimaha ciyaaraha somaliland,waxaana dhab ah in xitaa bisha soo socota laga sii sheekeyn doono.

Guul iyo nabad galyo ha ku dhamadaan intan inagu Hadhey.Waxaana ay tahay in loo mahadnaqo dhamaan kooxihii ka soo qeyb galay ee Dhalinyartooda hargeisa keenay.Wax kasta oo dhacey  oo wanaagsanaa ku faana,Wixii khalad dhaceyna ilaahey dartii ku dhaafa.Afarta kooxood ee iskugu soo Hadheyna waa kuwii ugu Adkaa ama ugu Awooda badnaa bal markaasi eegnaa.Maroodi Jeex Hargeisa Ayaan u Rajeynayaa Guul ah in ay koobka Qaadaan.

Abdifataah Mahamed Ahmed

Ceelaabe_10@Hotmail.Com