Ciyaaraha Gobolada ee Hargeysa Lagu Qabanlahaa oo Dib u Dhacay iyo Doodda Wasaaradda

Hargeysa(SLpost)- Xulalka gobolada Somaliland ee u soo baxay wajiga labaad ee tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland ee Hargeysa ku qabsoomi lahaa ayay wasaaradda ciyaaruhu ku wargalisay inaanu jirin wakhti cayiman oo la ogyahay in tartankaasi la qabanayo, sidaasi darteedna ay tahay in gobolada caasimada yimid dib ugu noqdaan goboladoodii.

Wareegii koowaad ee ka dhacay Burco iyo Boorama markii uu dhammaaday ayaa la filayay in degdeg loo bilaabo wajiga labaad oo Hargeysa lagu qabanayay, waxaanay gobolada caasimada ka durugsani yimaadeen Hargeysa, balse shalay ayaa la ogaysiiyay inay dib ugu laabtaan goboladoodii.

Xulalka gobolada, Sool, Sanaag, Daadmadheedh iyo Xaysimo oo caasimadda ku sugnaa tan iyo markii wareegga hore dhammaaday badhtamihii bishii hore ayaaa shalay wasaaraddu u sheegtay inay dib isaga laabtaan, kana war sugaan wasaaradda ciyaaruhu xilliga ay diyaariso .

Agaasimaha wasaarada ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) oo wargeyska Geeska Afrika uu wax ka waydiiyey arrintan ayaa xaqiijiyey in gobolladaas la ambabixiyey,“goboladaasi sidaas ayey ku noqonayaan waana afartaa gobol ee markii horeba iyagu soo degdegay, iyaga iyo kuwa kalaba mar ayaa loo wada yeedhayaa,” ayuu yidhi Agaasime Dhabbeeye oo Geeska Africa la hadlay.

Agaasimuhu waxa uu ku dooday inaanu jirin wakhti go’an oo ciyaarahaas loo qabtay, waxa aannu hoosta ka xariiqay in ciyaarihii ka dhacay Burco iyo Boorame ahayn kuwii rasmiga ahaa, balse uu ku tilmaamay is-reeb-reebkii loogu soo baxayey kuwa rasmiga ah, isaga oo arrintaas iyo sharraxaada ciyaarihii ka dhacay Burco iyo Boorama ka hadlayana waxa uu yidhi, “Boorama iyo Burco wixii ka dhacay is-reeb-reeb ayuu ahaa oo waxa loo soo baxayaa waa tartankii rasmiga ahaa, markaa kaas goorta la doono ee wakhtigiisa la sheego ayuunbuu dhacaya oo anagu wali maanu odhan maalintaas iyo bishaas ayuu dhacaya. Markaa marka aanu si dhaba u sheegno ayaa la odhan karaa wakhtigii aad sheegteen dib ayuu uga dhacay.” sidaas ayuu yidhi Maxamed Xuseen Dhabeeye oo ka hadlaayey mudaynta ciyaaraha gobolada.

Arrintan ayaa imanaysa xilli wasiirkii ciyaaruhu iscasilay maalmihii la soo dhaafay kadib markii uu ku guuldaraystay qabashada ciyaaraha. Wasiirka ayaa la sheegay in wasiirka maaliyaddu u sii dayn wayday kharashka ciyaaraha, taasina sababtay kharash la’aan soo food saartay wasaaradda ciyaaraha iyo ciyaartoyga gobolada ee tartanka ka qayb galayay.