Ciyaar ka Dhacaysay Belgium oo Loo Baajiyay Cabsi Laga Qabo Daacish

 

Brussels(SLpost)- Ciyaar saaxiibtinimo ah oo kubadda cagta ah oo ay wada ciyaari lahaayeen wadamada Spain iyo Belgium oo lagu qaban lahaa magaalada Brussels Ayaan la qaban kaddib cabsi ka dhalatay weeraradii dhimashada badan sababay ee ka dhacay magaalada paris.

 

129 qof ayaa weerarkaasi oo dhacay habeenkii jimcaha ku dhimatay, meelaha la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ahayd garoon ay kuwada ciyaarayeen dalalka Jarmalka Iyo faransiiska oo saaxiibtinimo ahayd.

 

Dacwad oogayaasha faransiiska waxa ay magacaabeen nin u dhashay Belgium inuu ahaa ninkii abaabulay weerarada faransiiska. Taasi ayaa keentay in Belguim-ku shakiyo islamarkaana baadhista dad looga shakiyay Argagixiso raadiyo.

 

Dowladda Belgium ayaa dhankeeda sare u qaaday howlgallada ay ugu yeedhay ladagaallanka “argagixisada, waxayna sare u qaaday heerka halista illaa darajada Sedaxaad, taas oo tilmaameysa in halis aad u sareysa ay jirto.

 

Xidhiidhka kubadda cagta ee Belgium waxa ay sheegeen in iyagu ay gaadheen go’aanka lagu joojiyay in ciyaartaasi la qabto, kaddib markii ay wadatashi la sameeyeen dhigooda dalka Spain.

“Iyadoo la eegaya xaaladda aan caadiga ahayn ee taagan, halis magelin karno ciyaartoyda iyo taageerayaasha,” ayey yiraahdeen xidhiidhka kubadda cagta ee Belgium.