Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa oo lagu Samaynayo Tayac-tirkii Ugu ballaadhnaa oo Maanta la Daah-furay

Cusbitaalka Guud ee HargeysaHargeysa (SLpost)- Midowyga Yurub oo Somaliland ka taageera dhinacyada horumarka adeegyada bulshada, ayaa daboolka ka qaaday mashruuc lagu tayaynayo hawl-qabadka Cusbitaalka ugu ballaadhan Somaliland ee Magaalada Hargeysa, kaas oo si wada-jir ah u fulinayaan shuraakadooda Terre Solidali iyo  Hay’adda Adeegyada Mashaariicda QM ee UNPOS.

Mashruuca dib-u-ballaadhinta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo maalgelinta ku baxaysa lagu sheegay Hal Milyan iyo Badh Yuuro (1.5m), ayaa la filayaa in lagu dhammaystiro muddo laba sanno ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Midowga Yurub ee magaalada Hargeysa.

War-saxaafadeedkaas, ayaa u dhignaa sidan: “Midowga Yurub waxa uu maanta daah-furay mashruuca dayactirka Cisbitaalka Hargeisa (Hargeisa Group Hospital) si loo hagaajiyo galaangalka adeegyada caafimaad ee dadweynaha sida dhaqsida leh u kordhaaya ee Hargeisa. Asaga oo ay la jiraan shurakadiisa, Terre Solidali iyo Xafiiska Qaramada Midowbay ee adeegyada mashruuc (UNPOS) ayaa Midowga Yurub wuxuu kordhin doonaa wax ku-oolnimada, tayada iyo is-wadka cisbitaalka ugu weyn Somaliland kasoo ay heystaan dhibaatooyin dhismeed iyo awoodeed oo tirada dadku ka tan-badisay.

Mashruuca oo Maagelintiisu dhan tahay1.5 milyan Yuuro ee muddada 24ka bilood soo socota, ayaa wuxuu ka taageeri doonaa cisbitaalka xagga horumarinta qorshaha guud ee dhismaha taasoo u jihaysan taagyeerida is-kaabidda shaqo ay leeyihiin qaybaha kala duwan ee cisbitaalka, goobo soocan oo muhim ah iyo in la abuuraa adeegyada maqan. Intaa waxaa dheer, mashruuca wuxuu xoojin doonaa horumarinta dhismooyin xaddigoodu yar yahay iyo sidoo kale fulinta nidaam daryeel ee qalabka daaweynta cisbitaalka. Mashruucu wuxuu kaloo u habaysan yahay in uu wax ka qabtaa taya daryeelka caafimaad ayadoo loo marayo abuuridda hal-beega hab-raacyo caafimaadeed iyo la hagaajinta ururinta iyo ka-baaraab-degidda xogta caafimaad.

Wax-qabadka mashruuca waxaa ku jira qayb xoogan ee ah dhisidda awooda ee qayb kasta. Farsamooyin hagaasan ee maamulka maaliyadda iyo xogta waxay kordhinayaan arimaha caafimaadka, la-xisaabtanka iyo wax ku-oolnimada ayadoo ay abuureyso jawi suurta geliya abuuridda iyo maamulidda dhaqaalaha iyo in loo isticmaalaa daqligaa iyo xogtaa soo korortay in lagu qabtaa adeegyo munaasab ah oo intii hore ka badan.”

SOMALILANDPOST.NET