“Cisbitaalka Caynaba ee Aanu Maanta Furnay, wuxuu noqon doonaa cisbitaal shaqeeya ma Noqon Doono mid inta la Furo laga tago oo Iska xidhma.” Wasiirka Madaxtooyada

????????????????????????????????????

Caynaba (SLpost)  Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, iyo Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Xaglatoosiye ayaa xidhiga ka jaray Cisbitaal kaga hir galiyey Demada Caynaba.

Cibitaalkaasi oo ay maalgalisay dawladda Imaaraadku isla markaana ay fulisay Musasatul Maxamed binu Raashid Ala maktuum ayaa xadhiga laga jaray maalintii shalay, waxana munaasibad loo qabtay furitaanka cisbitaalkaasi ka hadlay madax ka tirsan Xukuumadda JSL.

????????????????????????????????????

Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa Madaxtdii munaasibadaasi ka qayb gashay ayaa ka hadlay muhiimada wuu cisbitaalkaasi leeyahay waxaanu yidhi “ Waxaanu maanta cisbitalkan u dadajinay furitaankiisa xaalada abaaraha ee jirta darteed, dhibaato badan ayaa jirta, wakhtiga abaarta dadku wuu jilcaa, xanuunka ayuu u nuglaadaa, nafaqo darro ayaa caruurta iyo waayeelka ku dhacda, tabaalo iyo taws ayaa jirta, waxaanu xooga u saarnay cisbitaalkan sidaa, qorshaha qarankan ayaa lagu daray inuu maanta hirgalo xaalada abaarta jirta darteed, wuxuu noqon doonaa cisbitaal shaqeeya ma noqon doono meel inta la furo xaflad iyo warbaahinta laga sheego laga tago oo iska xidhma.”

Mudane Xaashi ayaa sidoo kalena u mahad naqay dawllada Imaaraadka oo cisbitaalkaasi hir galisay waxaanu yidhi “ Waxaanu u mahad naqaynaa Hay’adii dhistay, Musasatul Maxamed binu Raashid Ala maktuum, xaakimka Dubai hay’adiisa samafalka, waxa aanu ugu mahad naqaynaa kaalmadaa walaalnimo ee ay ina siiyeen, waxa qorshaha cisbitaalkan sameeyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, sidii caaqilkii Maxamed Daroor sheegay, waayeelka iyo waxgaradka reer Saraareed madaxweynaha iyo weftigiisii hoolkaas ayey nagula hadleen, waxay waydiisteen Madaxweynaha sadex shay. Waxay waydiiyeen in cisbitaal loo dhiso, waxay ahayd bishii koowaad ee sanadkii hore ee 2016-ka, isla bishii labaad ee February-na waa la dhagax dhigay. Waxa ay madaxweynaha waydiisteen maadaama uu gobolkani uu yahay gobol xasaasi ah oo uu ka mid yahay gobollada ugu dilka badan Somaliland, sideed bilood ayaa afar iyo toban qof lagu dilay, wuxuu noqday gobolkii ugu dilka badanaa Somaliland,  waxa ay madaxweynaha kala hadleen adkaynta ammniga iyo xoojinta nabad-galyada iyo in ciidan boolis oo awood badan gobolkan laga sameeyo, oo ka awood badan booliska yar ee qaybta Saraareed, Madaxweynuhu wuu ka aqbalay xaruntiina waa la dhagax dhigay oo way dhan tahay, waxa u soo socda gaadiidkii iyo ciidankii la keeni lahaa ee ammniga gobolkan dabooli lahaa, dhawaana waa laga hawl galin doonaa.”

 

????????????????????????????????????

Wasiirka ayaa sidoo kalena yidhi “ Waxa kale oo ay Madaxweynaha kala hadleen dhibaato biyood, gaar ahaan xaalada abaareed, biyahaasna safarkii dambe ayaa nalaga la hadlay, waxa xooga la saarayey sadex meelood, ceelka Qori-dheere oo biyo macaan oo jabay in la kiciyo, waanu kicinay oo wuu shaqaynayaa oo maanta waakaa waraabinaya Saraar oo dhan, waxa waayeelku nagala hadlay meel la yidhaa Farmaraa oo magaalada sideed kiiloomitir u jirta oo biyo macaan leh in magaalada ceel looga qado magaalada Caynaba iyo deegaanadeeda, iyo meel saraar ku taal oo Qaadweyn la yidhaa iyana mid laga qado oo labadaaba qorshahooda la sameeyo. Isagana waxaanu maanta dhagax dhigi doonaa ceelkii Farmaraa oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu amray ina la qodo, Saraari waxay ka mid tahay gobolada ugu baahida badan xaga biyaha, ee Abaartuna sida xun u saamaysay. Waxa looga qodayaa maaha sabab gaar ah oo siyaasadaysan, waxa looga qodayaa maaha Madaxweynaha Somaliland ama wasiirka madaxtooyadda ayaa ka soo jeeda, waa gobol gobolada dalka ka mida, cisbitaalna ma lahayn, xaalad abaareedna waa jirtaa.”