“Cirro wuxuu ku tallaabsaday Caddaalad-darradii Somaliland ugu weynayd…” – Axmed Muumin Seed

gud-ahmed-mumin-seedHargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, isla markaana ahaa murashax u taagan jagada madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbigaas, ayaa caddaalad-darro qaawan oo aan dalka hore uga dhicin ku tilmaamay natiijo tartan maanta lagu soo gebo-gabeeyey shirkii Golaha dhex ee Xisbigaas oo ay ku kala hadheen isaga iyo murashax kale oo ku tartamayey jagada Madaxweyne ku-xigeenka ee xisbigaas.

Shir-weyne dhowr-maalmood magaalada Hargeysa uga socday Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI, ayaa maanta murashaxa madaxweynaha loogu doortay Guddoomiyaha xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo aanay cidi la tartamin, halka murashaxa madaxweyne ku-xigeenka loogu doortay Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi.

Axmed Muumin Seed waxa uu eedda ugu weyn dusha ka saaray Cabdiraxmaan Cirro oo uu ku eedeeyey inuu garabka saaray murashaxa cusub isla markaana uu kaga baxay halgan dheer oo ay u soo galeen geedi-socodkii dhismaha xisbiga.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN