“Cirro Isagaa Qaadaya masuuliyadda Mudaharaadka iyo Wixii ka dhasha…” Maayar SOLTELCO

 

Hargeysa (SLpost)- Maayar magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ugu baaqay inuu ka laabto baaq qaylo-dhaan ah oo uu taageerashiisa gobolka Maroodijeex kaga dalbaday Isu-soo bax ay isugu yimaaddaan Xarunta Xisbiga ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maanta saxaafadda la hadlay, waxa uu taageerayaasha Xisbiga ugu baaqay inay Isniinta Berri 8-da subaxnimo isugu yimaaddaan Xarunta Dhexe ee Xisbigu ku leeyahay Bariga magaalada Hargeysa si loogu sheego arrimo la xidhiidha xaaladda dalka.

Balse, Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee Caasimadda ahna maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo saxaafadda la hadlay maanta, ayaa hadalka Md Cirro ku tilmaamay tallaabo aan laga fiirsan oo horseedi karta ammaan-darro waxyeello u geysan karta habsami u socodka ganacsiga magaalada Hargeysa.

Md Cabdiraxmaan Soltelco waxa uu sheegay inay Dowlad Hoose ahaan u xil-saaran yihiin ammaanka caasimadda, ugana hawl-gali doonaan si kasta oo lagu ilaalinayo xasiloonida magaalada Hargeysa, sidaas awgeed khasaare kasta oo ka dhasha qayla-dhaanta shacabka loo diray uu Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro masuuliyaddeeda dusha ku qaadan doono.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka Maayarka Hargeysa