Cilmi-baadhis laga sameeyey Dimuqraadiyadda Somaliland oo daboolka ka qaadday Kalsoonida lagu qabi karo Farsamada loo adeegsanayo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka

South Bend (SLpost)-  Jaamacadda Notre Dame oo ku taala gobolka Indiana ee dalka Maraykanka, ayaa warbixin ay ka diyaarisay daraasad ay ku samaysay nidaamka doorashooyinka Somaliland ku soo bandhigay heerka ay gaadhsiisan tahay kalsooni lagu qabi karo farsamo casri ah oo Komishanka Qaranku go’aamiyey in loo adeegsado diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka.

doorashooyinka somalilandJaamacaddan oo si weyn loogu yaqaanno kuna xeel-dheer baadhista iyo daraasaadka qaababka dimuqraadiyaddu uga hir-gasho waddamada dunida saddexaad iyo heerarka ay ka gaadhaan, ayaa khabiir ka tirsan oo dhowaan socdaal ku yimi Somaliland, waxa uu xog-ururin ka sameeyey nidaamka dimuqraadiyadda Somaliland, heerarka ay soo mareen doorashooyinka dalka ka qabsoomay, sida ay shacabka iyo nidaamka dawladnimo ugu heelan yihiin daba-qaadda heerarka dimuqraadiyadda oo doorashooyinka ugu horreeyaan.

Khabiirkan oo lagu magacaabo Dr Kevin Bowyer, waxa uu kalsooni ka muujiyey farsamada ay guddiga doorashooyinku go’aamiyeen in loo adeegsado Diiwaangelinta codbixiyeyaasha si looga hortago muranno iyo wax-is-dabamarin ku timaadda doorashooyinka.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa bishii June ee sannadkan laba goobood oo dalka ah ku qabtay diiwaan-gelin tijaabo ah oo farsamada looga adeegsanayo ay cusub tahay dalka, iyada oo la isticmaalay qalab casri ah oo sawir lagaga qaaday wiilka madow ee Isha, taas oo guddiga doorashooyinku sheegeen in boqolkiiba sagaashan iyo sagaal lagu guulaystay tijaabadii la sameeyey.

Dr Kevin Bowyer oo ah Madaxda qaybta Biometrics ee Jaamacadda Notre Dame oo xog-waraysi la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Md Maxamed Xirsi Geelle iyo Khabiir dhinaca doorashooyinka kala-taliya Komishanka oo lagu magacaabo Roy Dalle Vedove, waxa uu kalsooni ka muujiyey farsamada cusub ee Somaliland u adeegsanayso diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, isaga oo tusaale u soo qaatay tijaabooyin hore loo sameeyey oo lagu guulaystay.

Kevin Bowyer waxa uu sheegay inay ku guulaysteen qabashada 450 codbixiyeyaal laba jeer is diiwaangeliyey oo hore loo ogaa, balse aan lala socodsiin, si loo hubiyo tayada qalabka lagu hubynayo dadka ku celceliyey diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland, isla markaana natiijadii u soo baxay iyo talooyinkoodaba ay u gudbiyeen.

“Hadafka koowaad ee Somaliland waa gaadhitaanka doorashooyin xor iyo xalaal ah, sidaa darteed, waxay u holadeen abuuritaanka diiwaangelin cod-bixiyeyaasha khaladaad ka fog, waxaanay u doorteen habka qaaditaanka Sawirka aragtida Insha sidii lagu gaadhi lahaa,” ayuu yidhi Kevin Bowyer oo sharraxayey muhiimadda ay diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha u leedahay farsamada sawirka Isha u leedahay diiwaangelinta iyo doorashooyinka dalka, sida faafiyey warbixin ay Jaamacadda Notre Dame ka diyaarisay xog-ururintiisa.

Khabiir Guddiga Doorashooyinka Somaliland kala shaqeeya farsamada diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo lagu magacaabo Roy Dalle Vedove, isla markaana qayb ka ah warbixinta jaamacadda, ayaa yidhi, “Baadhitaanka ay samaysay khubarada jaamacada Notre Dame, la mid tahay natiijo hore aanu u haynay, kalsooni badana na siisay.”

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Maxamed Ahmed Xirsi Geele ayaa sheegay inay mahadcelin balaadhan u jeedinayaan shaqada jaamacada Norme Dame u qabatay guddi ahaan, sida lagu xusay warbixinta oo lagu sheegay in farsamada guddiga Doorashooyinku u adeegsanayaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinak Somaliland ay noqon doonto noocyada ugu horeeya dhinaca tiknoolajiyadda caalamka ee wakhtigan.

“Somaliland oo doorashooyin la qorshaynayo inay ka dhacaan sannadka soo socda ayaa diyaarinaysa nidaamka diiwaangelinta cod-bixiyeyaal la adeegsado. Nidaamkooda ka qaaditaanka aragtida diiwaangelinta codbixiyeyaashu Somaliland waxuu noqon doonaa kuwa ugu horeeya dhinaca tiknoolojiyada, ugu casrisan nidaam diiwaangelin codbiyeyaal uu adeegsado wadan dunnida ku yaal, tusaalena u noqon doona kuwa kale. Khubaradu waxay saadaalinayaan in natiijada doorashooyinku noqon doonaan kuwo hufnaan iyo shaki la’aan loogu qanco, fursad aqoonsi caalami ahna gaadhsiin karta Somaliland,” sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta ay diyaarisay jaamacadda Notre Dame.

Si kastaba ha ahaatee, marka laga yimaaddo warbixinta lagu ammaanay farsamada Diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland oo tiraba dhowr jeer ooh ore lagu guul-darraysay isla markaana sababtay doorashooyin muran ka dhasheen, ayaa la filayaa in lagu galo doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka ee filayo badhtamaha sannadkan inay dalka ka dhacdo.

XIGASHO: Wargeyska Himilo