Cilmi-baadhis: Cunida Xabxab-ka Oo Wax Weyn ka Tarta Cudurka Dilaaga Ah Ee Dhiig-karka

Ka hortaggu waxa uu ka fiican yahay Is-daweynta, Waa murti ama weedh ku baahday Isticmaalkeedu dhinaca Caafimaadka.
Waxa Dunidan aan ku noolahay ku soo batay Xanuunada jiitama ee loo caalwaayey, Sida Canser-ka, Macaan-ka, xanuunada sigaarku sanbabada ku reebo, wadno xanuun-ka iyo Tufta. sidaas awgeed waxa fiican in qof kastaa wax ka ogaado wax yaalaha laga qoro caafimaad-ka.

Warbixin caafimaad oo ka soo baxday dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in cunista Xabxab-ka ay hoos u dhigto dhiig karka, siiba dad-ka da´doodu dhex dhexaadka tahay.Warbixintan oo lagu daabacay Wargayska The American Journal of Hypertension ayaa lagu faahfaahiyey in cunista Xabxabku oo la laasimo ay hoos u dhigayso kororka khatarta cudurka dilaaga ah ee dhiig-karka.

Baadhitaankan caafimaad oo ay sameeyeen khubaro ku takhasustay Dhiig-karka ayaa lagu ogaaday in hadii Qofka dhiig-karka qabaa uu cuno 6 gram oo Xabxab ah maalintii ay heerka dhiig-karkiisu hoos u dhacayo.

Haddii Dhiig-karka aan lala tacaalin, sida warbixintu sheegtay waxa uu keeni karaa wadnaha qofka oo istaaga iyo Xanuunka Faaliga (Stroke) oo isna ku dhaca qofka.

Warbixinta oo faahfaahsan islamarkaana ku qoran Afka Ingiriiska halkan hoose ka akhri

Source: The American Journal of Hypertension

Waxa Soo Tarjumay: Osman Abdillahi Sool…..Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com