Ciidmadda Sacuudiga Oo Gudaha U Galay Dalka Yemen Kadib Markay Dib U Riixeen Xuutiyiinta

 

 

Yaman(SLpost)-Ciidamada Sacudi Carabiya ayaa gudaha u galay Waqoyiga dalka Yemen kadib markii iskahorimaad hubeysan uu dhex maray kooxda mucaaradka ku ah xukuumada Yemen ee Xuutiyiinta.Kooxda mucaaradka ayaa duqeyn u geysatay deegaano ka mid ah dhulka boqortoyada Sacudi Carabiya waxaana wararka ay tilmaamayaan in ciidamo Sacudiyan ah oo uu ku jiro Jeneral uu ku dhintey duqeynta Axadii aynu ka soo gudubnay.

Saraakiil u hadashay ciidamada boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa ku tilmaamay gelitaanka ay gudaha u galeen ciidamadooda dalka Yemen in ay tahay mid waqti kooban ku eg.Ciidamada Sacudi Carabiya ayaa duqeyn cirka iyo ah kuwo madaafiic ah waxa ay ku qaadeen saldhigyo ay dagaalyahanada mucaaradka ah ku leeyihiin gudaha dalka Yemen, hase yeeshee ciidamada daacada u ah madaxweynihii hore ee Yemen Ali Abdalla Salah ayaa sheegtay in ay awooda sare ay leeyihiin.    Dagaalyahanada Xuutiyiinta ayaa soo bandhigay muuqaal video ah kaasoo ay ku sheegeen in uu yahay ciidamada kumaandoosta ah ee Xuutiyiinta oo weeraraya saldhig ay ciidamada Sacudigu ku leeyihiin xadka kala qeybiya labada dal.

Muuqaalka ayaa waxaa uu soo bandhigayaa dagaalyahano qabsanaya dhisme dagaal culus kadib isla markaana gubaya gaadiid dagaal hase yeeshee dagaalyahanada ayaa dib u guranaya kadib markii ay diyaaradaha dagaalka ay ku bilaabaan duqeyn cirka ah. 

Bishii July ee sanadkan ayaa dagaalyahano daacad u ah madaxweyne Hadi waxa ay ka saareen dagaalyahanada Xuutiyiinta ee mucaaradka ah magaalada Koofurta ku taal ee Cadan.Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaanta dagaalka ka soconaya Yemen in ay ku naf waayeen in kabadan 4,300 oo ruux kuwaasoo kala badh ah dad rayid ah.