Ciidanka Qaranka Oo Isku Balaadhiyay Deegaano Cali Khaliif Ciidan Ku Urur Sanaayay

Sool(SLpost)-Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa Fadhiisimo Cusub Ka samaystay deegaanadda Dabataag oo u dhow Duleedka Deegaanka Saaxdheer iyo siddoo kale deegaanadda Tuulo samakaab oo ka tirsan isla deegaankaasi.

Ciidamada Qaranka ayaa siddoo kale isku fidiyay duleedka Degaanka Balicad oo uu hadda ku sugan yahay Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof . Cali Khaliif Calaydh , Wararka ayaa sheegya in Cali Khaliif iskaga baxay tuuladda Balicad oo uu ku sugnaa kadib markii uu ka war helay inay kusoo fool leeyihiin ciidamada Somaliland oo kasoo kicitimaya koonfurta gobolka sool.

Wali may dhicin wax iska hor imaad ah, waxase la hubaa inay ciidamada qaranku isku balaadhiyeen deegaano balaadhan.