Ciidanka Illaalada Xeebaha oo Gacanta ku dhigay Tiradii ugu badnayd Doonyo iyo Baxaari Ajaanib ah oo Sharci-darro ku Guranaya Kheyraadka dalka

ciidanka ilaalada xeebaha somalilandBERBERA (SLpost)- Ilaallada Xeebaha Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay Doonyo laga leeyahay waddamada Carabta iyo Shaqaalihii la socday, kuwaas oo sifo sharci-darro ah uga kalluumaysanayey xeebaha Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Ilaallada xeebaha Somaliland, Admiral Axmed Aw Cismaan, ayaa sheegay in hawlgal Ciidamadiisu ka fuliyeen Xeebaha dalka ay ku soo qab-qabteen doonyo tiradoodu dhan tahay 51 iyo shaqaalihii la socday oo si sharci-darro ah uga kalluumaysanayey xeebaha dalka, kuwaas oo laga leeyahay waddamada Masar iyo Yemen.

Doonyaha la qabtay ayaa isugu jira kuwa waaweyn iyo kuwa yaryar oo ah nooca kalluumeysiga.

Taliyuhu waxa uu sheegay inay ciidamadiisu hawl-galladaas ku soo qab-qabteen 51 doonyood oo laga leeyahay dalka Yemen iyo markab laga leeyahay waddanka Masar, kuwaas oo sifo aan sharci ahayn uga kalluumaysanayey inta u dhaxaysa magaalo-xeebeedyada Maydh ee gobolka Sanaag iyo lughaya oo ka tirsan gobolka Awdal.

Taliyaha Ilaallada Xeebaha Somaliland oo u warramay idaacadda BBC-da, waxa uu sheegay inay sidoo kale gacanta ku dhigeen naakhuudayaal iyo shaqaale la socday doonyaha iyo Markabka oo tiradoodu dhan tahay 257 qof, kuwaas oo wakhtigan lagu hayo magaalada Berbera. Waxaanu intaas ku daray taliyuhu in sida ugu dhakhsaha badan sharci loo horgeyn doono dhammaan dadka hawl-galladan lagu qabtay ee sharci-darrada uga kalluumaysanayey xeebaha dalka.

Kalluumeysatada maxalliga ah, ayaa muddooyinkii u dambeeyey ka cabanayey maraakiib iyo doonyo shisheeye oo six ad-dhaaf ah u gurta kheyraadka xeebaha dalka.

Hawl-galka ciidamada Ilaalladu ku qab-qabteen doonyaha, ayaa noqonayaa kii ugu ballaadhnaa ee tiro intaas le’eg oo kalluumaysato shisheeye ah lagu qab-qabto iyaga oo sifo aan sharci ahayn u guranaya kheyraadka dalka.

SOMALILANDPOST.NET