Ciidanka Ilaalada Xeebaha Liibiya oo Badbaadiyey 107 Tahriibayaal Soomaali ah iyo Qaar la la’yahay

TRIPOLI (SLpost)- Ciidamada Badda ee Dalka Liibiya, ayaa shalay Khamiistii bad-baadiyey tahriibayaal Soomaali ah oo ay ku jiraan 20 dumar ah iyo ilme-yar, kuwaas oo Doontii ay saarnaayeen kula cilladawday meel ku dhow Xeebaha dalka Liibiya.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Badda ee Dalka Liibiya, ayaa Wakaaladda Wararka ee AP u xaqiijiyey inay badbaadiyeen 107 Qof Soomaali ah oo doontii ay saarnaayeen ku xumaatay meel soddon KM u jirta Xeebta magaalada Tripoli, ka dib markii ay habeennimadii Khamiis ka goosteen Xeebaha dalka Liibiya.

tahriibayaalKornayl Ayoub Qasim oo ka tirsan Ciidamada Badda ee dalkaas, ayaa sheegay inay isugu jiraan dadka tahriibayaasha ah ee la badbaadiyey rag, dumar iyo Carruur, kuwaas oo doonayay inay u tahriibaan waddamada Yurub.

Sarkaalkani waxa uu war-fidiyeennada u sheegay inay doonta saarnaayeen 114 qof oo Soomaali ah markii ay ka baxaysay Xeebaha Liibiya, balse ay qirteen Tahriibayaashu inay todoba qof oo ka mid ah lagu tuuray badda iyaga oo ka baqanayey inay Doontu la degto.

Dadka la soo badbaadiyey, ayaa dib loogu soo celiyey magaalada Tripoli ee Liibiya, waxaana hadda lagu hayaa goobo lagu hayo dadka Muhaajiriinta ah.

Bishii December ee sannadkii hore ayay ahayd markii sidan oo kale ay Ciidamada Badda ee dalka Liibiya badbaadiyeen 195 tahriibayaal ah oo saarnaa laba doonyood oo ka goostay xeebaha dalkaas una sii jeeday Qaaradda Yurub.

Dalka Liibiya oo muddo labada sanno iyo dheeraad aan weli si rasmi ah u helin xasilooni iyo maamul adag ka dib markii talada dalkaas xoogga lagaga tuuray hoggaamiyahoodii Mucamaral Qaddaafi, ayaa marin u noqday muhaajiriinta dalalkooda ka yaacay ee doonaya inay gaadhaan qaaradda Yurub. Waxaana sannad kasta biyaha u dhexeeya Liibiya iyo Talyaaniga ku geeriyooda Boqolaal qof oo naftooda ku biimeeya safar aanay garanayn inuu si nabad ah ugu dhammaan doono, iyaga oo baadi doonaya nolol ka wanaagsan ta ay dalalkooda ku haystaan.

SOMALILANDPOST.NET