Ciidanka Booliiska Somaliland oo Gacanta ku Dhigay Nin Kufsi iyo Dil u kula kacay Gabadh 15-jir ah iyo Askari Tacaddi Geystay oo la Caydhiyey

 

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa maanta ku guulaystay inay gacanta ku soo dhigaan nin kufsi iyo dil deegaanka Lughaya ee gobolka Selal ugu geystay gabadh da’deeda 15-jir ahayd.

Sida ilo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen THT, eedeysanaha ayey Ciidamadu gacanta ku soo dhigeen muddo kooban kaddib markii falku dhacay oo Taliyaha Ciidanka Booliisku Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi amar ku bixiyey hawl-galka lagu soo qabanayo dambiilaha oo ciidamadu ka fuliyeen deegaanka Lughaya.

Dhinaca kale, waxa gebi ahaanba shaqadii uu ciidanka Booliska ka hayey laga joojiyey lagana caydhiyey Askari lagu magacaabo Mahad Cabdi Cismaan oo isagoo tacaddi u geysanaya qof dumar muuqaalkiisa lagu baahiyey baraha bulshada.

Qoraal lagu baahiyey bogga xidhiidhka dadweynaha ee Ciidanka boolisku ku leeyahay Facebook, ayaa lagu sheegay in shaqadii ciidanka laga eryey askari goob fagaare ah tacaddi ugu geystay qof dumar ah.

“Saacado ka hor waxa baraha bulshada la soo geliyey saddex Allifle Mahad Cabdi Cismaan oo gacan u qaaday ruux dumar ah. Shacabka Somaliland waxaan u sheegaynaa annaga oo ka duulayna in booliisku yahay saaxiibka dadweynaha in la ruqseeyey askarigaa xadgudubka sameeyey, isagoo xidhan sharaftii ciidanka booliiska Somaliland, saacado gudahood. Booliiska Somaliland waa saaxiibka dadweynaha.” Sidaa waxa lagu sheegay qoraalka lagu baahiyey barta Facebook ee Ciidanka Booliska.

Somalilandpost.net