Ciidamo ka tirsan Ilaalada Xeebaha oo tabobar loo xidhay, Agab iyo Doonyo lagu wareejiyey iyo Midowga Yurub oo ka hadlay

EUCAP-somalilandHargeysa (SLpost)- Ciidamada Badda Midowga Yurub ee Hawl-gallada ka wada Geeska Afrika iyo Galbeedka Badweynta Hindiya (EUCAP), ayaa magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil tabaobar muddo laba bilood ah socday oo ay ku qaateen culuumta iyo ilaalinta ammaanka badda ah dorraad ugu soo gebo-gabeeyey soddon sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Ciidamada Midowga Yurub ee Hawl-gallada ammaan ka wada Xeebaha Geeska Afrika, munaasibaddan oo lagu qabtay saldhigga Ilaalada xeebaha Somaliland ee magaalada Berbera, waxa ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan dawladda oo uu ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha, wakiillo ka socday Midowga Yurub, Saraakiisha tabobarka loo soo gebo-gabeeyey oo ka kala socday magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Maydh, Laasqoray iyo Saylac.

Madaxa EUCAP u qaabilsan Somaliland/Somalia Mr. Pierre-Aimé Riccio oo maalmihii u dambeeyey goob-joog ka ahaa tabobarka saraakiisha, ayaa sidoo kale ka qayb-galay munaasibadda dorrraad tabobarka loogu soo gebo-gabeeyey ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ka tirsan, iyada oo halkaas lagu guddoonsiiyey Ciidanka Agab ay ku hawl-galaan iyo Doonyaha nooca Dheereeya oo loogu talo-galay ilaalinta ammaanka Xeebaha Somaliland.

“Barnaamijka oo bilaabmay badhtamihii bishii August waxa ay ujeeddadiisu ahayd in la siiyo aqoonta aasaasiga ah ee hawl-gallada iyo shaqada ilaalada xeebaha iyo sidoo kale baahiyaadka lagama-maarmaanka u ah sida ugu nabdoon ee loo fuliyo, si Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland awood ugu yeeshaan inay firfircoon uga hortagaan dambiyaha laga geysto Badda iyo Xeebaha, iyagoo kaashanaya saaxibadda gobolka iyo kuwa caalamiga ah, sida qorshaha EUCAP yahay,” sidaas waxa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska EUCAP ee magaalada Nairobi oo nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyey xarunta Wargeyska Himilo.

Sida war-saxaafadeed lagu sheegay waxa munaasibadda ka hadlay Madaxa barnaamijka tabobarka Midowga Yurub ee Ilaalada Xeebaha Somaliland Marco Hekkens, kaas oo sheegay in horumarka iyo mustaqbalka Ilaalada xeebaha Somaliland ku xidhan tahay saraakiisha da’ yare e tabobarka loo gebo-gabo-gabeeyey.

Taliyaha Ciidanka Badda Somaliand Admiral Axmed Cismaan Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa uga mahad-celiyey EUCAP Nester tabobarka aqooneed iyo agabka ay ku taageereen Ilaalada Xeebaha Somaliland, waxaanu ballan-qaaday inay ciidan ahaan dhinacooda ka soo bixi doonaan waajibaadka saaran.

Madaxa Xafiiska Xidhiidhinta hawl-gallada lagu dagaalamo budhcad-badeedda ee Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland, Maxamed Cismaan Axmed oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa tabobarka iyo agabka lagu taageeray Ilaalada Xeebaha Somaliland ku tilmaamay mid ku soo beegmay wakhti loo baahnaa, waxaanu rejo ka muujiyey in ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Somaliland oo taageero ka helaya kuwa dhiggooda Yurub ay awood u yeelan doonaan dhammaan sannadka 2016-ka inay daboolaan baahida loo qabo ilaalinta ammaanka xeebaha iyo biyaha badda ee Somaliland.

Gunaanadkii munaasibadda, waxa halkaas Ciidanka Ilaalada Xeebaha lagu wareejiyey Agab loogu talo-galay ilaalinta Ammaanka Xeebaha, kuwaas oo ay ku jiraan Doonyaha Nooca Dheereeya.

SOMALILANDPOST.NET