Ciidamo Ka Dhan Ah Boko Xaraam  Oo Maraykanku U Dirayo Cameroon

Washington(SLpost)- Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa dalka Cameroon u diraya ciidan military si ay dalkaas uga sameeyaan la socod dhinaca hawada ah oo ururka Boko Xaraam lagu sameeyo.

 

Sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykanka, askarta ayaa waxa marti qaaday dawladda Cameroon, arrintaas oo qeyb ka ah dadaalo caalami ah oo lagu horjoogsanayo fididda kooxda xagjirka ah ee Boko Xaraam ay ku fideyso Galbeedka Afrika.

 

Baahida loo qabo talaabo caalami ah ayaa noqotay mid degdeg ah, iyada oo Boko Xaraam iyo ururo kaleba ay kor u qaadeen dhaqdhaqaaqyadoodii gacan ka hadalka ku saleysnaa, sida uu sarkaalka Maraykanka ahi sheegay.

 

Ururka Boko Xaraam ayaa ku firfircoonaa woqooyiga Cameroon, halkaas oo ah xuduudda uu dalkaasi la wadaago goobta ururka saldhigga u ah ee woqooyi-bari Nigeria. Kooxda ayaa ilaa iyo hadda dalka Cameroon ku dishay boqolaal shicib ah. Intaas waxa dheer ugu yaraan 10 kun oo ay dalka Nigeria ku dishay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.