Ciidamada Turkiga Oo Ciraaq Galay iyo Rabshado Lagu Diidan Yahay Xisbiga Kurdiga Taageera Oo Dalkaas Ka Abuurmay

 

Turky(SLpost)-Miltariga Turkiga ayaa dhinaca dhulka ku galay waqooyiga Ciraaq Talaadadii shalay, markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 2011kii, iyagoo fulinayay howlgal ay saraakiisha Turkigu ku tilmaameen, howlgal muddo kooban soconaya oo ay ku ugaarsanayaan falaagada Kurdiyiinta ee PKK.

Turkiga ayaa ku eedeeyay falaagadan inay ka dambeysay weeraro bambaanooyin wadada dhinaceeda la dhigay loo adeegsaday oo Axaddii iyo Talaadadii shalay ay ku dhinteen 16 ka mid ah milatariga dalkaas iyo 14 boolis ah

Iyagoo aan faahfaahin badan bixin ayaa saraakiisha Turkigu waxey sheegeen in ciidamadoodu ay guaha u galeen Ciraaq iyagoo baacsanaya xubno ka tirsan xisbigan oo Turkiga laga mamnuucay.

Jabhadda PKK ayaa dagaal kula jirtay Turkiga tan iyo sanadkii 1984tii, waxaana colaadda labada dhinac ku dhintay tan iyo markaa -dad lagu qiyaasayo 40 kun oo qof.

150908231323_ankara_624x351_afp_nocredit 7AF9C6A4-E832-40C7-8138-7B1ADE3BA8D0_cx0_cy6_cw0_w443_h249

Dhanka kale Boqollal qof oo ruxaya calanka Turkiga ayaa waxa ay weerar ku qaadeen xarunta xisbiga HDP ee taageera kurdiyiinta.

Dhismaha oo ku yaalla caasiamdda dalkaasi ee Ankara ayaa dab la qabadsiiyay.

Xisbiga waxa ay sheegayaan in xarumahooda kale ee qeyba kaloo dalkaasi ku yaalla la weeraray.Magaalada Istanbul na, dhismaha uu ku yaalla xafiiska wargeyska Xuriyat ayaa markii labaad isbuucan la weeraray.

Qalalaasahan waxa uu daba socdaa isku dhacyada u dhexeeya ciidamada amniga iyo dhaqdhaqaaqa la mamnuucay ee kurdiyiinta ee PKK oo sare u kacay.Ra’iisul wasaaraha, Ahmet Davutoglu waxa uu cambaareeyay warbaahinta sida ay uga warrantay iyo xisbiyada siyaasadda, wuxuuna ku baaqay in la isdejiyo.Ugu yaraan 14 askeri ayaa Turkiga uga dhimatay weerar talaadadii dalkaasi ka dhacay.