“Ciidamada Somaliland ayaa u suurto-galiyey inay helaan (Jabuuti) magacyada iyo Sawirradda Dadkii wax Qarxiyey” – WASIIRKA KALLUUMAYSIGA SOMALILAND

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Somaliland Md Cali Jaamac Badeed oo shalay ka soo laabtay socdaal uu tagay dalka Jabuuti, ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Somaliland ka caawiyeen dawladda Jabuuti xogta lagu ogaaday Cidda ay ahaayeen dadkii fuliyey Qaraxyadii bishii hore 24-keedii ka dhacay Hoteel ku yaala magaalada Jabuuti.

Cali Jaamac BuureedWasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Somaliland waxa uu sheegay inuu La kulmay reysal-wasaaraha Dalka Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil isla markaana uu gaadhsiiyey tacsi ku aaddan qaraxyada dalkooda laga fuliyey oo uu ka siday Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo, isla markaana ay uga mahad-celiyeen doorkii ciidamada Ammaanka Somaliland ka geysteen helitaanka xogta dadkii fuliyey qaraxyadaas.

DHEGAYSO CODKA WASIIRKA

SOMALILANDPOST.NET