Ciidamada Ruushka oo la wareegay Saldhig Ciidamada Cirka Ukraine Ee Crimea ku yaaley

Crimea(SLPOST)Ciidamo taageersan dalka Ruushka ayaa la wareegay saldhig ciidamada cirka ee dalka Ukraine oo ku yaaley gacanka Krimea maalintii Sabtida.

crimea-740x415

La wareegadda sadhiga ayaa timid kadib markii qiyaastii 200 oo qof oo taageersan Ruushka ay jiireen albaabka hore ee Saldhiga, lana wareegeen maamulka Saldhiga.

Kooxdan aan hubeysneyn ee taageersan Ruushka ayaa jebiyey albaabka hore ee Saldhiga Novofedorivka waxaana ay ku dhawaaqayeen Raashiya Raashiya!, Ciidamadii dalka Ukraine ee saldhiga ku sugnaa ayaa isaga huleelay halkaas. Kooxda la wareegtey saldhiga ayaa dejiyey calankii Ukraine ee halkaas ka babanayey waxaana ay ka taageen calanka ciídanka Badda ee Ruushka sida laga soo xiganaya wakaaladda wararka ee AFP.

Ciidamadii Ukraine ayaa wada hadal kadib ka baxay Saldhiga iyaga oo garaacdey heesta qaranka Ukraine. Kadib waxaa halkaas si toos ah ula wareegey ciidamada Ruushka oo ku hubeysnaa dabaabado iyo beebayaal.

Todobaadkii hore ayaa in badan oo kamid ah dadka degan gacanka Krimea ay u codeeyeen in ay ka go’aan dalka Ukraine kana mid noqdaan Ruushka, Dalka Ruushka ayaa qbalay natiijadaas waxaana si rasmi ah Baarlamaanka iyo Madaxweynaha dalka Ruushkuba u saxiixeen in Krimea ay ka mid tahay Federaalka Ruushka. Dalalka Midowga Yurub, Maraykanka iyo Japan ayaa ku tilmaamey codeyntaas mid dharci darro ah, isla markaana ay tahay keliya dhul uu boobay Ruushku.

 

Somalilandpost.Net

Hargeysa/Somaliland