Ciidamada RRU-da oo Weerar ku Qaaday Guriga Wasiir ku-xigeenkii hore Amniga iyo khasaare ka dhashay iska Caabbin ay kala kulmeen Ilaalada guriga

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada RRU-da oo loogu talo-galay la-dagalaanka iyo ka-hortagga hawl-gallada Kooxaha Argagixisada ah, ayaa caawa weerar ku qaaday Guri uu magaalada Hargeysa ka deggen yahay Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor Cismaan oo madaxweyne Siilaanyo dhowaan xilka ka qaaday.

news1Ciidamada RRU-da oo ku hubaysan baabuurta gaashaamaan iyo qalabka loogu talo-galay la-dagaalanka Argagixisada, ayaa caawa abbaaro 12:00 habeenimo duullaan ku qaaday Guriga Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor oo ku yaala Xaafadda Jigjiga-yar, gaar ahaan agagaarka Hotel Maansoor ee Galbeedka Caasimadda, waxaanay halkaas isaga hor-yimaaddeen Ilaalada Wasiirkii Hore oo ay rasaas is-weydaarsadeen isla markaana u ka horjoogsaday Ciidanka RRU-da oo isku doonayey inay u daataan guriga si ay u soo qabtaan Cabdilaahi Abokor oo maalinimadii Khamiista warbaahinta ka sheegay hadal ka nixiyey Xukuumadda Siilaanyo.

Dhawaqa Rasaasta ay is-weydaarsadeen Askarta RRU-da iyo ilaalada Guriga oo laga maqlayey meelo badan oo magaalada ah isla markaana in muddo socotay, ayaa hurdada ka kicisay isla markaana argagax iyo amakaag ku abuuray shacabka ku dhaqan xaafadda uu gurigu ku yaallo oo wax masaafo aan sidaa u sii fogeyn u jirta Guriga Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi.

“Annaga oo iska hurudna ayuunbaanu mar kaliya ku toosnay rasaas dushayada ka socota. Naxdiintii ayaan kor u booday. Rasaas laga ridayo qoryo waaweyn ayaa in woxoogaa ah socotay, dabadeed markii dambe way yar is-taagtay, markaasaan albaabka dibadda furay. Markii aan bannaanka u baxay, ayaan arkay ciidan iyo baabuur meesha taagan. Haddana rasaas kale ayaa dhacday, rasaasta waxa laga soo ridayey guriga Wasiirkii maalintii dhawayd xilka laga qaaday ee Arrimaha Gudaha (Cabdilaahi Abokor),” sidaa waxa khadka telefonka ugu sheegay Somalilandpost, wiil dhalinyaro ah oo deggen agagaarka Guriga Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga.

Wararka ay Somaliladpost soo gaadhaya, ayaa sheegaya inuu jiro khasaare ka dhashay rasaasta ay is-weydaarsadeen Ciidamada RRU-da iyo Ilaalada Guriga Cabdilaahi Abokor, haseyeeshee ilaa immika lama xaqiijin baaxadda uu le’eg yahay iyo tirada dadka wax ku noqday is-rasaasayntaas wakhtiga oo xilli dambe ah awgeed.

Ciidamada RRU-da ayaa ilaa immika Xeeran guriga ay weerarka ku qaadeen, halka Cabdilaahi Abokor iyo Ilaaladdiisuna ku jiraan guriga, ilaa immikana lama garanayo labada dhinac khasaare soo kala gaadhay.

Weerarka caawa lagu qaaday Wasiirkii hore Amniga ayaa daba-socda hadallo uu dhowaan saxaafadda ka sheegay inay xukuumadda ku jiraan Xubno wasiirro ah oo xidhiidh la leh kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, Cabdilaahi Abokor oo ka tirsan xisbiga Kulmiye isla markaana taabacsan garabka Muuse Biixi, ayaa hadal uu maalinimadii Khamiis ka sheegay warbaabhinta, waxa uu hanjabaad ugu jeediyey Xukuumadda Siilaanyo.

HALKAN KA DAAWO HADALKA UU KHAMIISTII WARBAAHINTA KA SHEEGAY CADBILAAHI ABOKOR