Ciidamada Qaranka Oo Loo Daadgureeyay Deegaankii Lagu Toogtay Taliyahii Gobalka Saaxil iyo Xukuumada Oo Nolol iyo Geeri Ku baadi Doonaysa Dablaydaas

Saaxil(SLpost)-Magaalada Barbera ayaa ilaa xalay ahayd bando iyada oo maanta laftigeeda laga dareemayo awooda ciidamada ee ay xukuumadu dul dhigtay kadib dilkii taliyaha booliska gobalka Saaxil oo koox dablay ah ay ku dishay xidh yar oo ka sokeeya tuulada biyalay.

Sida ay sheegayaan warar aanu helayno ciidamo ka tirsan kuwa qaranka oo laga soo badalay dhawaan gobalka Awdal ayaa la geeyay deegaanadii lagu toogtay taliyaha, waxaana xukuumada iyo ciidamada kala duwan ay baadi goobayaan inay nolol iyo geeri ku soo qabtaan dablaydaas.

Sida oo kale waxa wararku sheegayaa in xabsiga loo taxaabay madaxdhaqameed tiro badan oo ka soo jeeda isla deegaankaas lagu toogtay taliyaha kuwaas oo cadaadis lagu saarayo inay xukuumada gacanteeda soo galiyaan dablaydaas ay haybta wadaagaan ee taliyaha khaarajiyay. madaxweyne Siilaanyo ayaa isagu amar buux aku bixyay in dawldu ay gacanta ku soo dhigto dablaydaas.

Gobalka Saaxil ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay ahaa mid muran iyo khilaafaad xoogani ay ka taagnaayeen, waxaana haatan loo dhegtaagayaa arinta taliyahaas la khaarajiyay halka ay cago dhigato.