Ciidamada Qaranka oo la wareegay gacan-ku-haynta magaalada Buuhoodle

Buuhoodle, 15 January, 2012 (SLpost)- Ciidamada Qaranka ayaa saaka abbaaro 7:15 la wareegay magaalada Buuhoodle oo ay ku sugnaayeen maleeshiyo nabad-diid oo ka soo horjeedda Somaliland.

Tallaabada Ciidamada Qaranku kula wareegeen gacan-ku-haynta magaalada Buuhoodle ayaa timi ka dib markii xalay xilli saqdii dhexe ay Maleeshiyada magaalada Buuhoodle ka dagaalantaa madaafiic ku weerareen Fadhiyada Ciidamada Qaranka ee Aagga Buuhoodle.

Illaa imika ma jiraan warar rasmi oo ka soo baxaya magaalada Buuhoodle iyo xaaladda dagaal, sidoo kalena lama hayo khasaaraha soo gaashay labada dhinac.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Somaliland Post

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net