Ciidamada Qaranka Oo Gacan Bir Ah Dul Dhigay Kooxda Khaatumo Oo Dagaal Gaadmo Ah Ku Soo Qaaday

Sool(SLpost)-Ciidamada Qaranka JSL ayaa jawaab adag ka bixiyey saaka dagaal gaadmo ah ay kusoo qaadeen kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo, jawaabtan ay bixiyeen ciidamada qaranku ayaa dhabar jab ku noqotay kooxdaasi dibad wareega ah, warar aanu hada ka helayno Deegaanka kala baydh ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh kaaso oo soo gaadhay Kooxdaasi.

Wararka aanu ka helay degaankaasi ayaa sheegaaya in laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyada oo ay ciidamada Qaranku jebiyeen kooxdaasi weerarka soo qaaday xalay islamarkaana ay ku dhufteen dhirbaaxo aad u adag.

Khasaaraha Ka dhashay Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa inay jirto dhimasho badan iyo dhaawac aad u tiro badan oo gaadhay kooxda nabad diidka ah ee uu hogaamiyo Cali khlaiif galaydh, sidoo kalena dhiilada ayaa laga dareemayaa magaalada Buuhoodle.