Ciidamada Faransiiska Oo Qabtay Hub Badan Oo Soomaaliya Ku Soo Waajahnaa

Ciidamada badda ee Faransiiska ee ilaalinaya waqooyiga Badwaynta Hindiya ayaa qabtay markab ay saarnaayeen hub ay sheegeen inuu u socday Soomaaliya.

hubka

Hubka waxaa ka mid ahaa boqolaal qoryo, hubka lagula dagaalamo taangiga iyo qoryaha darandooriga u dhaca.

Markabka ayaa waxaa arkay helikobtarada Faransiiska oo ka mid ah ciidamada caalamiga ee ilaalinaya Badwaynta Hindiya.

Ciidamada Faransiiska ayaa markabka ka helay hubka, waxay kaloo ogaadeen in markabka inuusan haysan magac waddan oo lagu aqoonsado.

Waxay ku qabteen markabka sharciga cuna qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya. Ciidamada badda ee isbahaysiga ayaa ku tilmaamay guul qabashada markabka inkastoo aynan sheegin war la xiriira cidii markabka u rarnaa.

Qabashada markabkan waxay la mid mid tahay, horaantii bishan markii ciidamada badda ee Australia ay ku qabteen markab hub sida meel u dhow badda Cuman, oo sidoo kale la sheegay inuu Soomaaliya u socday