Ciidamada Booliska Somaliland oo ka hadlay Dambiga lagu xidhay DABCASAR iyo Jidh-dil uu sheegtay in loo geystay

Hargysa (SLpost)- Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa ka hadlay xadhigga Abdirahman Hajji Dabcasar oo ciidamada ammaanku ku qabteen Hargeysa saaka subaxnimadii.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaan Sare Faysal Xiis oo u warramay Hadhwanaag News, ayaa sharraxaad ka bixiyey sababta ka dambaysa xadhiiga Dabcasar oo immika ku jira Xabsiga Dhexe ee Hargeysa.

Taliye Faysal Xiis waxa uu xadhigga Dabcasar ku sababeeyey kaddib markii lagu helay dambi ah Aflagaaddo uu kula kacay Qaranimada Somaliland. Waxa kale oo uu ka hadlay Jir-dil uu sheegay Dabcasar in loogu geystay magaalada Hargeysa.

HOOS KA DAAWO WARKAN OO FAAHFAAHSAN

https://youtu.be/xofKv4QrVRk