Ciidamada Booliska Somaliland oo heegan Culus la geliyey, Wasaaradda Daakhiliga iyo Taliyaha Booliska oo ka hadlay sababta

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa heegan buuxa oo dalkoo dhan ah la geliyey, si ay uga hor-tagaan, isla markaasna u baajiyaan Shir talo Qaran ay ugu yeedheen Is-bahaysiga Mucaaradka ee Xisbiyada UCID, WADDANI iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga, shirkaas oo ay sheegeen inuu socon doono 23-ka illaa 26-ka bishan Julay ee aynu ku jirno.
cidanbTaliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo Wasiir Ku-xigeenka gobollada iyo degmooyinka ee Wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Cadarre, ayaa maanta gelinkii dambe saxaafadda kula hadlay Taliska guud ee Booliska ee magaalada Hargeysa  oo ay ku soo bandhigey dhoolla-tus ay sameeyeen Ciidammo heegan la geliyey.