Ciidamada Amaanka oo Wali Hargeysa Ka Sii Ugaadhsanaaya Dadka Itoobiyaanka Ah

 

Hargeysa(SLpost)-Ciidamada booliska ayaa maalmihii ugu danbeeyay la arkaayay iyaga oo qabqabnaaya dadka Oramada ah ee ku nool magaaladda Hargyesa, kuwaas oo badankoodu isugu jira dawarsato iyo kuwo shaqaysta.

Hargeysa

woodyinka Hargeysa ayaa lagu arkaay ciidamado qabqabanaaya qaar ka mid ah dadkaas oo u dhashay Itoobiya se sharci daro ku jooga Somaliland, inkasta oo wali ciidamada socdaalku aanay ka hadlin.

dhawaan ayay ahayd markii kudhawaad laba boqol oo ka mid ah dadkaas Itoobiyaanka ah oo xanuuno kala duwan qaba laga talaabiyay xusuuda Somaliland iyo Itoobiya ay wadaagaan, waxaana la filayaa in ay ciidamada socdaalku warbaahinta la hadli doonana marka uu dhamaado hawlgalka lagu qabqabnaayo dadkaas aan shariga dalka ku joogin.