Ciidamada Booliska Hargeysa Oo Bilaabay Qabqabshada Ajaanib Oromo U Badan

Hargeysa(SLpost)-Ciidamada booliska caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa saaka bilaabay qabqabashada dadka Itoobiyaanka ah oo u badan qoomiyada Oramada kuwaas oo aad u soo buux dhaafiyay sandii ugu danbeeyay Somaliland.

trevortrueman

Inkasta oo dadka Itoobiyaanka ah ay u talaabaan dhanka dalalka carabta Somalilandna ay ku sii dhex maraan socdaal tahriib ah hadana inbadan oo ka mid ah ayaa nolol u soo raadsada magaalooyinka waaweyn, waxaana maalmihii u danbeeyay soo baxayay warar sheegay inay ku kacaan falal aniga ka dhan ah.

Magaalada Burco ayaa haatan waxa ku xidhan nin qoomiyada Oramada ka soo jeeda oo loo haysto inan yar oo uu cunay. xukuumada madaxweyne Siilaanyo ayaa dhawaan soo saartay in talaabo laga qaado dadka soo galootiga ah ee jooga Somaliland isla markaasna joogitaanka dalka loo oglaado cidii haysta fiise sharci ah.