Ciidamada Australia oo 18 Saacadood ku dhici waayey Nin Afduub u qabsaday 40 Qof iyo Khasaaraha ka dhashay hawl-gal lagu guulaystay

Sydney (SLpost)- Ciidamada sida gaarka ah u tabobaran ee dalka Australia, ayaa ku guuulaystay inay soo furtaan tobanaan qof oo Afduub loogu haystay Maqaaxi ku taala badhtamaha magaalada Sydney ee dalkaasi, ka dib markii nin la sheegay inuu u dhashay dalka Iran uu subaxnimadii hore ee Isniinta uu la wareegay goobtaas oo ay ku sugnaayeen dad tiradooda lagu qiyaasay Afar qof.

dadkHawl-galkan oo qaatay 18 saacadood oo ciidamadu ku hareeraysnaayeen goobta, waxa ku dhintay saddex qof oo uu ku jiro Ninkii Afduubka geystay oo la rumaysan yahay ahaa nin Qaxoonti ku ahaa dalkaa oo u dhashay waddanka Iran iyo laba qof oo shacabkii uu afduubka ku haystay ah.

Laba qof oo hawl-galka ku geeriyooday, ayaa lagu kala sheegay inay kala ahaayeen nin 34-jir ah iyo haweenay 38-jir ah, ka dib markii maydkooda loo qaaday cusbitaalka

Waxa kale ooh awl-galka ku dhaawacmay Afar Qof oo uu ku jiro Askari ka tirsan Ciidamada booliska oo dhaawacyo ka soo gaadheen rasaas ay Ciidamada is-weydaarsadeen Ninka hubaysnaa ee Afduubka ku haystay dadka shacabka.

goobtaHawl-galkan oo bilaabmay subaxnimadii Isniinta ee wakhtiga dalka Australia, ayaa soo af-jarmay 2:00 Habeenimada Salaasada caawa ee wakhtiga Australia.

Ninka Afduubka geystay oo lagu magacaabi jiray Haron Monis, kaas oo sannadkii 1996 magal-galyo siyaasadeed ka helay dalka Australia, iyada oo saraakiisha ammaanku sheegeen in ay jireen dacwado dhowr ah oo maxkamadaha dalkaas ka yaallay, dhowr jeerna xabsiga loo taxaabay.

NINKA LA SHEEGAY INUU WEERARKA FULIYEY
NINKA LA SHEEGAY INUU WEERARKA FULIYEY

Raysal-wasaaraha dalkaasi Australia Tony Abbott oo dhacdadan ka hadlay, ayaa ku tilmaamay mid wax ku-qaadasho iyo duruus ugu filan waddankiisa isla markaana loo baahan yahay digtooni dheeri ah oo laga yeesho falal argagixiso oo waddankiisa laga fuliyo.

“Dhacdooyinkani waxa ay ina tusinayaan in xataa waddan kasta oo xor ah una furan marti-galinta dadka sida keenna oo kale uu halis u yahay ficillada noocan ah ee siyaasaddu ka dambayso, laakiin waxay sidoo kale inoo muujinayaan inay ugu diyaar-garowno sidii aynu uga jawaabi lahayn.

SOMALILANDPOST.NET