Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay Kaadhadhka Codbixinta oo la iibsaday iyo Shakhsiyaad lagu qabtay

HARGEYSA (SLpost)- Ciidamada Ammaanka Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay Shaqsiyaad kaadhadhka codbixinta ka urursanayay qaybo ka mid ah bulshada danyarta ah ku nool xaafadda DAAMI ee magaalada Hargeysa, iyadoo sida la sheegay beddelkeeda siinaya Raashin iyo Lacag.

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa warbaahinta u soo bandhigay Tobanaan Kaadhadka codbixinta oo laga qaaday Dadkii iska lahaa, Waxay ay sheegeen inay dhacdadan u qabteen saddex qof oo falkan ku eedaysan, balse ciidamada ammaanku soomay bandhigin shakhsiyaadkii lagu qabtay ee kaadhadhka ka urursaday shacabka.

HOOS KA DAAWO WARKAN OO FAAHFAAHSAN