Ciidamada Ammaanka Hargeysa oo Xabsiga u Taxaabay Dhalinyaro Bannaan-bax Cabasho ah ku Dalbanayey in la sii daayo Maasul Xukuumadda u Xidhank

Hargeysa, 25 March 2012(SLpost)- Ciidamada ammaanka magaalada Hargeysa ayaa maanta Xabsiga u taxaabay ilaa toddoba qof oo ka tirsan dad samaynayey bannaan-bax cabasho ah oo ay ku dalbanayaan in la sii-daayo Guddoomiyihii hore ee gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamar-je), kaasoo ku xidhan Xabsiga dhexe ee Hargeysa.

Dadka bannaan-baxayey oo dhalinyaro iyo Haween u badnaa ayaa isugu soo baxay maanta barxadda hore ee Cisbitaalka guud ee Hargeysa oo wax yar u jira dhismaha xarunta Madaxtooyada Somaliland, isla markaana waxay dalbanayeen in la soo daayo Guddoomiyihii hore ee Maroodi-jeex Axmed Xamarje oo ka tirsan Masuuliyiin lagu eedeeyey inay musuqmaasuqeen raashin caawimo ah oo loogu talagalay dadka danyarta iyo barakacayaasha isugu jira ee gobolka Hargeysa, waxaana sidoo kale masuuliyiinta la eedeeyey ku jira La-taliyihii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cismaan Siciid iyo Agaasimihii guud ee Wasaaradda dib-u-dejinta Somaliland Axmed Cilmi, kuwaasoo xilkana laga qaaday, welina ku xidhan Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Dadka bannaan-baxayey ayaa sitay boodhadh ay ku xardhan yihiin erayo ay ka mid ahaayeen; ‘waa in la sii-daayaa Xamarje, waa in bilaa shuruud xorriyaddiisa loogu soo celiyaa’ iyo weedho kale, waxa ku yaalla boodhadhka ay siteen Sawirka Guddoomiyihii hore ee gobolka Maroodi-jeex.

Hase-yeeshee, Ciidammada Booliska ayaa dadkaa kala kexeeyey, isla markaana qaar isku soo taagay oo dhalinyaro u badan oo qaadan waayey amarka kala dareerinta qabqabtay, isla markaana xidhay, kuwaasoo tiradoodu dhan tahay toddobada dhalinyaro ah.

Dhawr jeer oo hore ayey dad sidan oo kale isu soo abaabulay isku dayeen inay u muddaharaadaan Guddoomiyihii hore ee Hargeysa Axmed Cumar (Xamar-je), tan iyo markii Xabsiga loo taxaabay bilawgii bishan aynu ku jirno ee March.