Ciidamada Amaanka Oo Hawl-gallo Ay Ka Fuliyeen Berbera Iyo Hargeysa Dad Ku Qab-Qabtay Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay

(SL.Post) Wasiirka arrimaha gudaha somaliland mudane Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” ayaa ka hadlay dad lagu tuhunsan yahay falal amni daro oo ciidamada gaarka u tababaran ee RRU-du hawl galo ay sameeyeen ka kala qabteen magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

img_6d3153-434f26-efc05f-4110e4-467547-f163dc

Ciidamada ayaa subaxii hore ee shalay hawl gal culus ka fuliyay badhtamaha magaalada Hargeysa,waxaanay qabteen rag ay muddo daba socdeen.

Wasiirka arrimaha gudaha somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo Wargeyska Geeska Africa oo aanu warkan ka soo xiganay wax ka waydiiyay hawlgalka ciidamada RRU-da waxa uu yidhi sida tan

“Ciidamadu xaqbay u leeyihiin inay qabtaan oo ay ka hor tagaan cid kaste oo ay uga shakiyaan xaalad abuur iyo falal amni daro,markaas Hargeysa qaarbaa lagu qab-qabtay Berbera-na dhawr baa lagu qabtay waana shaqadoodii oo ciidamadu si wanaagsan bay u shaqeeyaan”sidaas ayuu yidhi wasiir Faratoon.

Wasiirka arrimaha gudaha mar aanu wax ka waydiinay tirada dadka la qabtay inta ay yihiin ayaa waxa uu ku jawaabay sida tan

“Ma rabo inaan ka hor dhaco.balse halkan Hargeysa dhawr baa lagu qabtay”

Wasiirka arrimaha gudaha somaliland bulshada waxa uu ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada amaanka oo ay feejignaan muujiyaan waxaaana uu yidhi sida tan

“Bulshada waxaan ku baraarujinayaa inay sidaas ugu soo jeedaan oo ciidamada nabad galiyada la shaqeeyaan oo ay wargaliyaan mar walba oo taxadir dheeraad ah u yeeshaan oo ay ogaadaan in lasoo dhex galayo oo la khal-khalinayo oo ay jiraan dad ka shaqaynaya inay nabad galiyadeena khalkhaliyaan inay mar walba dadkaas la socdaan oo ay feejignaadaan ayaa loo baahan yahay”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiirka arrimaha gudaha somaliland Yaasiin Faratoon.

Somalilandpost.News