Cidhibtirka Saboolnimada: Yoolka Koowaad Ee Horumarka Adduunka

 

 

Sidaynnu  hore ugu sheegney maqaalkii shalay, waxay qaramada midoobay qallinka ku duugeen 17ka yool ee dunidu hiigasan doonto 15ka sano oo ee socda (2016-2030) oo aynnu maanta soo qaadan doonno yoolka kowaad iyo bar tilmaameedyadiisa.

 

-Cidhibtirka Saboolnimada (No poverty): Yoolkani waa ka ugu horeeya 17ka yool ee xaqiijinta horumar waara oo dunidu gaadho 15ka sano ee soo socda; waxaanu leeyahay  todoba (7) bartilmaameed oo ay tahay in mid kasta la xaqiijiyo si loo gaadho yoolkan waxaanay kala yihiin:

in dhamaadka2030ka laga cidhibtiro saboolnimada ba’an caalamka oo dhan; iyadoo immika lagu qiyaaso in dadka ku nool maalintii wax ka yar $1.25 (hal doolar iyo shan iyo labaatan santi) 1.2 bilyan qof caalamka oo dhan.

in dhamaadka 2030ka ugu yaraan kala badh hoos loo dhigo saamiga ragga, dumarka iyo caruurta ah ee la nool saboolnimada; iyada oo lagu fiirinaayo halbeegga wadankaas.

in helo hab  lagu ilaalinaayo bulshooyinka caalamka (social protection system) oo heer qaran ah, sida in ay caymis helaan dadka saboolka ah iyo kuwa nugul ba iwm.

in dhamaadka 2030ka la xaqiijiyo in ragga iyo dumarka saboolka ahi leeyihiin xuquuq u siman helitaanka dhaqaalaha, adeegyada asaasiga ah, lahaanshaha iyo maamulida dhulka; sida dhaxalka iwm, iyo helitaanka mashaariic dhaqaale abuur sida daymaha, abuurista gacansi iwm.

in dhamaadka 203ka la dhiso xammilka ama u adkaysiga bulshooyinka saboolka ah iyo kuwa nugulba u yeelanayaan masiibooyinka dabiiciga ah ee ay keento doorsoonka ba’an ee cimilada  sida masiibo dhaqaalle, mid bulsho iyo masiibooyinka lama filaanka ahba.

in si habboon loo abaabulo ilaha dhaqaale iyo wax soo saar; sida isu kaashiga horumarka si loo helo horusocod lagu tashan karo oo ay samaynayaan wadamada soo koraaya; gaar ahaan kuwa koritaankoodu aad u hooseeyo, iyadoo la meel marinaayo siyaasado iyo mashaariic lagu cidhibtiraayo noocyada saboolnimada oo idil.

in la sameeyo siyaasado iyo qaab-dhismeedyo wax ku ool ah oo heer qaran, gobol iyo caalamiba ah oo la jira Bulshooyinka saboolka ah iyo kuwa nugul; tixgelinna siinaaya wada-horumarinta lammaanaha (ragga iyo dumarka), si loo helo maalgelin habboon oo lagu cidhibtiro saboolnimada.

Waxaa turjumay oo isku howlay

Cabdiraxmaan Cismaan Gaas
gaas96@gmail.com

+252 63 4009009