Dhaawacyo Soo gaadhay Askarta Kastanka Tog-wajale oo Cidan ka Tirsan Militariga Itoobiya ay Rasas Huwiyeen

Tog-Wajaale(SLPOST)-Ciidamada Milatariga Itoobiya ee dhinaca daanta Itoobiya Magaala Tog-wajaale ayaa dhaawac gaadhsiiyay laba Askari oo katirsan Ciidanka Booliska Kastanka Cashurta Somaliland ee Tog-wajaale.
Ciidanka booliska ee la dhaawacay ayaa lashegay in ay xabad huwiyeen iyaga oo gadhi saaran waxaan ku dhawacmay 2 laba askari oo sida la shegay midka mid ahi yahay dirawalkii gadhigaa waday.
Taliyaha laanta socdaalka cabdirashiid axmed xasan iyo taliyaha sirdoonka Wajaale jaamac cabdi yuusuf oo goobta wax ka dheceen Tagay, ayaa waxay noo xaqiijieen in labada askari ku dhawacmeen iyaga oo xuduuda ka talaabay150 miter gadhigiina ay cidamada milatariga ethiopi ay gacanta ku hayaan sheegena inay taliskoodi la hadleen kana sugayaan jawaab in gadhi loo soo celiyo iyo inkale.

Magacyada askarta ku dhaawacmay.

1. Xuseen daahir  (dirawalkii gaadhiga waday)
2. Cabdirashiid Maxamed Muxumed Almis
Kuwaas oo dhammaantood  lagu dawenayo  cusbitaalka magaalada gabiley.

Somalilandpost
Hargaysa
C/waahab Guuled
halyay222@hotmail.com