“Cida Ay Ka Go’do Doorashadu Ee Wax Ka Qabashadeeda Leh Oo Qaban-qaabada Kuna Dhawaaqi Kartaa Waa Somaliland” Wasiir Caddami

(SL.Post) Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka hadlay sida uu u arko mawqifkii Midawga Yurub   ay ku diideen in Doorashada dib loo dhigo, waxaanu sheegay in Midawga Yurub wax u yaala aanay ahayn hawlaha Doorashada ee ay Komishanka kala shaqeeyaan wixii qabyo ka noqda.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami,oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay ayaa sidoo kale ka hadaly dagaalka dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Ciidamada Liyuu Booliska, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay mawqifka Midawga Yurub ee Doorashada “Cida ay ka go’do Doorashadu, ee wax ka qabashadeeda leh, oo qaban-qaabada iyo soo diyaar garaynta leh kuna dhawaaqi kartaa waa Somaliland, ee uma baahna  EU, ee cida u baahan EU-du waa Komishanka Qaranka ee  Doorashooyinka qaabilsan, oo waa in wixii hawlaha ka qabyo ah u qabyo tiraan, imikana marxaladaas waa laga soo gudbay, mar ay wax diideena wey jirtay, iyago meel kasta oo la joogaba diidmadooda ayaa badan,   diidmaduna waxa weeye aniga ku xukumee adigu isma xukuntid, marka inagu taas hore ayeynu u diidnay, mid imika la diidayo oo bilaabmaysa maaha, Wadanka dadka leh ayaa xukuma, wax walba oo talo ah oo wanaag iyo horumar ku jiro, oo ay la yimadaan oo aan ahayn halkaana mar halkaasna ha marin, waa wax laga wada hadli karaa, waxa laga yeelayo muwaafaqo ayaa ka horeeysa, is afgarad baa ka horeeya, laakiin saacadan oo kale nin Dibulamaasiya oo cadhooday iyo wax cid kale ka cadhootay waxa inagaga weyn aayo ka talinteedan iyo taloobiiyinka aynu qaadanayo inagoo wada jir ah, sidii taasi u rumoobi lahayd ayaa hawsheeda la inaga doonaya, arimaha Doorashooyinkeenana waa wax u taala Somaliland ee maaha wax Wadan kale iyo cid kale midna maaha.”

Somalilandpost.net