Cibrooyinkii Ku Dugnaa Hanqaadkii Jamhuuriyada Somaliland – W/Q: C/Raxmaan C/Laahi (Wirdaani) ~ QORMADII 1AAD

Cabdiraxmaan Cabdilaahi

Cabdiraxmaan Cabdilaahi
Cabdiraxmaan Cabdilaahi

HOR DHAC

‘’Hadii gu’gii kuu kordhaa

Gabaw moyee kutarin

Garaad iyo waayo arag

Ogow ma gudbaa tahee’’

Faa’idada ay umadi heshaa waa waayo-aragnimo ay ka dhaxashey taariikh soo martey, hadaba waxaan jecleystey inaan soo bandhigo idinkuna ila wadaagtaan intii awoodeyda ah taariikhdii uu lahaa dalkani, cadawgii ku habsadey, halgankii (SNM), hadimooyinkii loo dhigey, iyo horumarka uu manta gaadhey, anoo kusoo bandhigi doona qormooyin taxana ah, anoo ku soo beegay , qeybteydan si aan uga qaato, dabaaldaga sanguurada 22aad ee kasoo wareegtey xoriyadii luntey 1960 ee dib loo soo celiyey 1991, hadaba fiirsasho wacan.

1.1 JUQURAFIGA SOMALILAND

Somaliland waxay ku taal geeska Afrika, dhinaca waqooyiga waxa ka xiga badda cas, Waqooyi galbeedna waxa ka xiga dalka Jamhuuriyada Jabouti, galbeedna waxaa ka xiga Ethiopia, barina waxaa ka xiga maamulka Puntland.  Koonfurna waxa ka xiga somaliya, Tirada dadka Somalilad waxaa lagu qiyaasaa 3 malyan iy badh. Baaxadda dhulka ay ku fadhido Somaliland waa 139,000 km2. Cimilada dalkani waa kulayl xige, roobna dhulku wuu helaa bilo ka mida sandka, dhulkuna waa labadagaan xige ayaa lagu tiriyaa, laakiin waxa la sheegaa iney Somaliland ku jirto dalalka ugu cimilada wanaagsan caalamka.

1.2 TAARKHDAII FOGEYD

Somaliland waa magac cusub marka la eego taariikhda uu wadan  leeyahay,  jamhuuriyada somaliland waxaa horay loogu magacaabijiray dhulkii uduga, cadarka iyo bukhuurka, waa sida ay u yaqaaneen masaaridii horee. halka uu giriigu ugu yeedhi jirey dhulkii berbera waa halka uu ka soo jeedo kana yimid magaca BERBERA, xiligii muslimka amaba qarniyadii uu muslimku soo gaadhay somaliland waxa loo yaqaanay dhulkii SAYLAC ugu danbayntii xiligan aan joogno waxa lagu magacaabaa jamhuuriyada somaliland.

1.3  SOO GALITAANKII DIINTA ISLAAMKA IYO SAAMEYNTA AY KU LAHEYD

Markii diintu soo degtay qarnigii 7aad geeska Afrika, ayaa qarnigii 13naad waxa culimo carbeed dalka timid si ay diinta ugu fidiyaan, kadibna wey gaadhsiiyeen dhamaan, Somaliland waxay kamid tahay bariga Afrika marka laga yimaado Itoobiya dalalkii ugu horreyey ee ay ka hanaqaaday diinta islaamku, inkastoo aan runta laga sheegin taariikhda dhab ah ee Somaliland haddana waxaan muran ku jirin in ay ka jireen maamulo islaamiya dhulka Somaliland wakhtigaa, laakiin si kastoo ay tahayba manta dalka Somaliland dadka ku nooli waa wada muslimiin 100%.

1.4   SOO GALITAANKII GUMAYSTIHII INGIRIIS IYO DIB ULA SOO NOQOSHADII XORIYADA 1960

Mustacmarkii Engiriiska waxa uu yimid xeebaha Somaliland 1884. Ingiriisku ayaa dhowr jeer heshiisyo kala duwan la saxeexday odoyaashii Somaliland. Waxanaa ugu caansan heshiiskii hargaha ee sannadkii 1887kii oo heshiisyo la saxeexdeen odoyaashii Beelaha Somaliland

Sannadkii 1899kii waxaa bilawday kacdoon iyo dhaq dhaqaaqyo lagaga soo jeedo gumaysigii ingiriiska. Waxaana guluf iyo dagaal dhexmaray ciidamadii Sayidka, inkastoo la jabiyey sayidka laakiin halkaas waxa kasii anbaqaaday halgamaayaashii Shiikh Bashir iyo Farah Omaar oo usoo halgamay xornimadii aan qaadanay lixdankii, Waxaana dalka ka bilwaday kacdoon gobonidoon dagaalkii labaad dabadiisii.

Aasaasihii Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa bishii febraayo 1960kii isaga iyo wefti uu hoggaaminaayo u anbaxaxeen dalka Ingiriiska, waxaanay heshiis ay la soo galeen dawladdii ingiriiska in Somaliland xornimo buuxda lasiiyo.

26 Juun 1960kii bay aheyd markii “British Somaliland protectorate” xornimadeeda ka qaateen dawladii Ingiriiska,sida aan la socono intii ka horraysay 01 Luulyo 1960kii Somaliland waxay ahayd dawlad gooniya, waxayna noqdeen dawlad madax bannaan oo la aqoonsan yahay ilaa 01 Luulyo 1960kii. Isla maalintaas ayey midoobeen Somaliland iyo somaliya, inkastoo midawgaa lagu biirey koonfurta lagu khasaarey dhib badan loogeystey dalka iyo dadka Somalilandba.

1.6  XORIYADII LUNTEY IYO GUUSHII SNM

Markii reer somaliland la midoobeen koonfurta somaliya 1960kii, ayaa waxa timid in ay beenawdo riyadii aheyd iney isku keeneen bahda afka somaliga ku hadasha oo dhan iyaguna hormood u noqdaan,  laakiin markiiba wey beenawday riyadaas, dadka reer Somalilandna waxa la duudsiiyey xuquuqdii wadaniyeed ee ay lahayeen, iyadoo taasi jirto ayaa kalidii taliyihii Siyaad Barre caga jugleyn badan., cadaadis ballaadhan oo isugu jira dil dhac, xadhig, kufsi iyo in diyaaradu  iney ka kacdo madaarka hargeisa isla hargeisana duqeyso ugeystey bulshada Somaliland, dabadeed waxa ka dhashay kacdoon dadweyne, kaas oo uu kamid ahaa dhaqdhaqaaqii SNM, waxaana 6 dii abril 1981 lagu dhawaaqay ururkii SNM oo ay taageersanaayeen shacbiga Somaliland si ay ula soo noqdaan xornimadoodii luntay 1960kii.

Mudo ku sineyd 10 sano markii dagaal qaadhaadhi dhexmarayey jabhadii SNM iyo kalidii taliyihii siyaad bare, ayaa Eebe mahad haka gaadhee  geesiyaashi SNM ku guleeyey iney cadawgii  jabiyaan dibna u hantaan dhulkii la odhanjirey Somaliland, xoriyadii lunteyna dib usoo celiyaan taas oo keenstey iney uwada riyaaqeen bulshadii reer Somaliland, SNM bilawdey sidey unabadeyn laheyd dhulkey gacanta ku dhigtey, iyadoo ilaa hada reer Somaliland ku naaloonayaan nabad iyo barwaawo ay horsed ka aheyd SNM.

1.7 DIB ULA SOO NOQOSHADII XORIYADII LUNTEY 1991

27 Jannayo 1991 ayaa ciidamadii SNM gacanta ku dhigeen dhamaan dalkii hore loo odhan jiray Somaliland. Dabadeedna madaxdii SNM waxay ka shaqeeyeen inay heshiiyeen oo walaaleeyaan beelihii walaalaha ee ay iska horkeentay dawladii hore ee Siyaad Barre.

18 Mey 1991 shirbeeleedkii ka dhacay magaalada Burco ayaa lagu go’aansaday lagagana dhawaaqay gooni isu taagga qaranimada Somaliland.

Maalintaas oo ay Somaliland la soo noqotay mar labaad xornimadoodii luntay, noqotayna dal madax bannaan oo buuxinaya dhamaan astaamaha ay leedahay dawladi. Laakiin wali Jamhuuriyadda cusubi waxay sugaysa aqoonsi caalamiya. Waxaanan rajaynayaa in dhakhso u heli doonto ictiraaf caalamiya oo ay rumawdo riyada shacbiga Somaliland oo ahayd inay noqdaan qaran madax bannaan oo kamid ah bulshada caalamka.

wirdaani@hotmail.com

Alpha University

Hargeisa Somaliland

 

LA SOCO…………