China: Madaxweyne Siilaanyo vs Balaayo-Madow – Hanjabaadda inuu Madaxweynaha Dalka ku soo Celinayo – DHAGAYSO

SAFARKA MADAXWEYNAHA + CISMAAN BALAAYO MADOW iyo wararkii ugu Dambeeyay

Beijing (SLpost)- Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadoow, ayaa shalay ka dul-dagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo markii u horreysay habeen-hore gaadhay Caasimadda dalka Shiinaha ee Beijin. Sida uu Ogaal u xaqiijiyey Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Weftiga uu hoggaaminayo oo Khamiistii ka duulay Addis Ababa, ayaa habeen-hore gaadhay waddanka China. Hase yeeshee, Cismaan Buurmadoow, oo ay Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo hore ugu fashilantay inay gacanta ku dhigto wakhti la filayey inuu garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera ka soo dego bishii hore, isla markaana uu Jabuuti ka degay ka dib markii uu ka war-helay in madaarka loogu diyaariyey Ciidammo Boolis ah oo qabashadiisa Xukuumaddu halkaa u geysay. Buurmadaw oo xalay Horn Cable TV uga warramay ujeeddada Safarka uu Shiinaha ku tagay, waxa uu yidhi; “Waxa jiray Shirar badan oo dawladda Shiinuhu la gasho Qaaradda Afrika Madaxdooda ay la gasho, maaddaama oo aan Boqorrada Afrika ka mid ahay ayaan u tagay, Madax badan oo Afrikaan ahina way joogtaa. Markaa, runtii si fiican oo aad iyo aad u qiimo badan baa la iigu soo dhaweeyey.” Cismaan Buur-madawoow, waxa uu sheegay inaanu isagu marti u ahayn Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa ku sugan Shiinaha, hase ahaatee uu marti u ahaa dawladda China, isaga oo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi; “Markaa anigu isaga (Madaxweynaha Somaliland) marti umaan ahayn ee waxaan marti u ahaa dawladda China, sidaa daraaddeed, si fiican ayaa la iigu soo dhaweeyey halkaas. Safiirro kale ayaa isoo booqday oo isagana la socday sida Safiirka Sucuudiga, Safiirka Yemen, laakiin dawladda China ayaan la kulmay madaxdooda illaa halka u sarraysaan la kulmay, runtii arrimo badan oo ay ka mid yihiin abaaraha dalka ka jira, dhibaatooyinka ka jira iyo sidii ay dalka maalgashi ugu samayn lahaayeen iyo sidii aanay waxaas oo dhami gacan kale innoogu soo mareen ayaannu ka wadahadalnay.” Mr. Buurmadaw, waxa uu sheegay in Safarka Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisu ka tageen Shiinaha aanu ahayn mid dawladda Shiinuhu si gaar ah ugu casuuntay, hase ahaatee,uu yahay mid ay ku marti-qaadday Shirkad Ganacsi oo Shiinuhu leeyahay, sidaa daraaddeed, uu habsankooda Addis Ababa xidhidh la lahaa arrintaas, maaddaama oo aanay dawladda Shiinuhu wax marti-qaad ah u fidinnin. Cismaan Maxamuud Buurmadaw oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Cidday u socdeenna waxay ahayd Shirkad Ganacsi, Madaxweynaha iyo Weftigiisu dawladda Shiinaha wax marti-qaad ah kama haystaan, ee waxay heshiis la saxeexdeen dawladda Itoobiya, heshiiskaas oo illaa konton sannadood ah oo Dekadda Berbera, Tareenno iyo wax caynkaas ah. Heshiiskaas oo Shirkad Shiine ahi la gashay dawladda Itoobiya, dawladda Itoobiyana ay wakiil uga sii tahay Somaliland. Taasina waata keentay inay muddo joogaan Itoobiya.” Inkasta oo ay Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisu muddo dhawr maalmood ah oo aan markii hore qorshaha ugu jirin dib ugu dhaceen Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa haddana Shiinaha oo ay ahayd inuu gaadho badhtamihii toddobaadkii hore ka baaqsaday, taa beddalkeedana Habeennimadii Jimce ee habeen-hore ka degay Beijing. Madaxweynuhu markii uu ka dhoofayey Hargeysa ma jirin wax faahfaahin ah oo uu ka bixiyey nuxurka Safarkiisa iyo cidda marti-qaadday toona. Sidoo kale, Madaxtooyada ayaan si cad u faahfaahin sababaha rasmiga ah ee Madaxweynuhu ugu baaqday meelmaha dheeraadka ah Addis Ababa. Isaga oo Afhayeenka Madaxtooyadu markii uu Safarka Madaxweynuhu baxay War-baahinta u sheegay in Weftigu hal maalin joogi doono Addis Ababa, isla markaana Shiinaha u sii dhaafi doono, laakiin taasi ma dhicin, inkasta oo ay Madaxtooyadu arrintaas ku eedeysay Duuliyaha Diyaaraddii Weftiga Hargeysa ka qaadday oo Habeenkii koobaad ula sii hoyatay magaalada Diri-dhaba ee dalka Itoobiya, balse taasi haddii ay hal habeen dib-u-dhac ku keentay Madaxweynaha iyo Weftigaas lama oga sababta muddada dhawrka cisho ah uu u baaqday Safarkoodii Shiinuhu.

Halkan ka dhagayso Codka Buur-madow 1

Buurmadow