Chelsea vs Benfica, AC Milan vs Barcelona – Isku Aadka Wareega 8da ee Champions League

SLpost SPORTS – Magaalada Nyon ee dalka Switzerland waxa maanta ka dhacday xafladda isku aadka wareega 8da ee Champions League iyadoo lugta hore ay Barcelona oo Koobkan haysata ay booqan doonto AC Milan, halka tababare Mourinho uu nasiib u helay inay kooxdiisa ka hortagto kooxda aan qibradda badan ku laheyn koobkan ee APOEL.

AC Milan iyo Barcelona oo isku soo arkay wareegii Groupyada ee koobkan ayaa haatan mar kale isku haleeli doona wareega 8da, waxaana lugta hore lagu hormari doonaa garoonka San Siro.

Bayern Munich oo koobkan Finalkiisa martigelin doonta ayaa iyagana waxa ay is-haleeli doonaan kooxda Faransiiska ah ee Marsille iyadoo kulanka lugta hore uu ka dhici doono Magaalada Marseille. Real Madrid ayaa u muuqata inay heshay kooxda dalka Qubrus ee la is lahaa waa ugu jilicsan tahay 8-da kooxood soo gaadhay ee APOEL.

Kooxda Chelsea oo ah kooxda kaliya ee England ku mataleysa tartankan ayaa kulankeeda ugu horeeya ee wareega 8da waxa y u safri doontaa Benfica.

Lugta hore ee kulamada wareega 8da waxa ala ciyaari doonaa 27ka iyo 28ka bishan March, halka lugta labaad la ciyaari doono 3da iyo 4ta bisha April.

Marka laga soo tago wareega 8da, sidoo kale waxaa la qabtay sida ay kooxaha isagu aadi doonaan semi-finalka, Marseille iyo Bayern Munich kooxdii soo baxdaa waxa ay ku dhici doontaa semi-finalka kooxdii soo baxda APOEL iyo Real Madrid. Halka Benfica iyo Chelsea kooxdii soo baxda ay semi-finalka la ciyaari doonto AC Milan iyo Barcelona kooxdii soo baxda. Waxaana kulankan Semi-finalka la ciyaari doonaa 17/18 April iyo 24/25 April

SLpost Sports News

sports@somalilandpost.net