Chelsea oo mataanaha Manchester kaga guulaysatay heshiiska Eden Hazard

[S]Lpost Sports – Kooxda horyaalka Yurub Haysata ee Chelsea ayaa kooxaha Manchester United iyo Manchester City kaga guulaysatay inay gacanta ku dhigto xiddigga kooxda Lille ee Eden Hazard.

Xiddiggan u dhashay dalka Belgium oo la sugayey inuu maanta go’aan ka gaadho uu ku biirayo ayaa ugu dambeyntii goostay inuu ku biiro Chelsea.

Weeraryahankan kooxda Lille oo ku qiimaysan The £32 milyan ayaa la rumaysan yahay inuu si gaar ah ay heshiis iskugu raaceen Chelsea waxaana la filayaa inuu todobaadkan cago-dhigto garoonka Stamford Bridge.

Mataanaha Manchester ayaa sidoo kale ogolaansho loo siiyey inay wada-xaajood la heesheen Hazard, haseyeeshe 21-jirani waxa uu go’aansaday inuu soo gabo-gabeeyo loolankii loogu jiray hanashadiisa.
“Waa Heshiis la gaadhay,” ilo-wareedyo ayaa sidaas u sheegay Goal.com. “Hazard isaga ayaa doortay, waxaanu xilli-ciyaareedka dambe u ciyaari doonaa Chelsea.”

Subaxnimadii Isniinta ee todobaadkan, waxa uu xiddigan reer Belgium boggiisa Twitter soo dhigay inuu go’aan gaadhay: “Galab wanaagsan asxaabeey. Go’aan ayaan gaadhay. Waa inoo mar kale.”

Maamulka Chelsea ayaa la rumaysan yahay inay Hazard iyo wakiilkiisa kala kulmeen dalabkiisa lacageed, waxaanay sidoo kale kala hadleen go’aankiisa inuu ka mid noqdo kooxda ugu horreysa ee lagu bilaabo, taas oo noqon lahayd fursad aan loo damaano qaadi karin haddii uu ku biiro Manchester City.
Hazard ayaa hore u qirtay ka dib kulankii ugu dambeeyey ee uu u safto kooxdiisa Lille in guushii layaabka lahayd ee Chelsea ku hanatay koobka Champions League, ay ku qasabtay inuu go’aan dambe ka gaadho mustaqbalkiisa, maadaama markii hore uu u sii jeeday inuu ku biiro kooxda Horyaalka Ingiriiska haysata ee Manchester City.

“Chelsea way ixiisaynaysa imika,” ayuu yidhi Hazard. “Waxay ku guulaysteen Champions League, xilliciyaareedka dambena way ka qayb-galayaan. Run ahaantii muhiimad wayn ayey ii leedahay inaan tartan ka qayb-galay.” Waxa uu intaas sii raaciyey, “Chelsea waa koox weyn oo ciyaartoy muhiim ah haysata.”
United iyo City ayaa muddo dheer dabo-ordayey inay hantaan Hazard, laakiin laba naadiba waxa la rumaysan yahay inay dib uga fadhiisteen dalabaadka lacageed ee wakiilka ciyaartoygani doonayo taas oo la og yahay inuu dhankiisa ka rabo £5 milyan oo Heshiiska la socda

Hazard oo loo aqoonsaday xiddiga sannadka ee horyaalka Faransiiska, waxa uu ka mid yahay ciyaartoyga hibada u leh kubadda cagta ee Yurub isaga oo 20 gool ka dhaliyey Horyaalka isla markaana suurtogaliyey dhashada 22 gool.

 SOMALILANDPOST.NET

sports@somalilandpost.net