Chad Oo Toban Ruux Ku Xukuntay Dil

 

Chad (SLpost)-Toban qof oo reer Chad ah ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, kaddib markii lagu helay in ay ka dambeeyeen weerar bambaano oo ay qaaday kooxda Bookoo Xaraam.

Ugu yaraan 38 ruux ayaa geeriyooday Bishii lixaad kaddib markii caasimadda lagu qarxiyay labo bambaano. Dalka Chad ayaa dib u soo celiyay xukunka dilka ah si loogu qaado dadka gaysta weerarada argagixisada.

Dalkaasi Chat waxa uu martigalindoonaa ciidammo isku dhaf ah oo gobolka ka socda kuwaas oo la dagaalamidoona dadka Jihaad doonka ah.Xaqiiqada ah in dadkaasi lagu hayay goob qarsoodi ah ayaa keenaysa in su’aalo la galiyo sida ay cadaalad u ahayd maxkamadayntooda.

Qaar ka mid ah dadka ka faalooda ammaanka ayaa sheegay in Chad ay horay u taageertay Boko Xaraam.Laakiin horaantii sanadkan ciidammada Chad ayaa weeraray dadka jihaad doonka ah ee ku sugan xadka dalka Nigeria iyo waliba Cameroon.

Go’aankaasi wuxuu wiiqay ururkii Boko Xaraam laakiin waxa uu horseeday weeraro bambaanooyin ah oo badan oo lagu qaaday caasimadda Chad ee N’djamena.