Ceerigaabo: Kalluumaysato Yemen u dhalatay oo lagu riday Xukunno isugu jira Ganaax Lacageed iyo Mastaafuris

Ceerigaabo  (SLpost)- Bad-maaxiin u dhalatay dalka Yemen oo ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland gacanta ku soo dhigeen iyaga oo sifo sharci-darro ah Xeebaha Bariga dalka uga kalluumaysanya, ayaa maxkamadda gobolka Sanaag ku ridday xukunno kala duwan.

badKalluumaysata oo tiradoodu dhan tahay 19 badmaax , ayaa Maxkamada Gobolka Sanaag maanta ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan 34 kun oo doolar isla-markaana dalka laga mastaafuriyo, iyada oo doontii ay wateen looga reebay inay dammaanad u noqoto inta ay lacagta lagu xukumay keenayaan.

Maaha markii ugu horeysay ee ay ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland gacanta ku dhigaan kaluumaysato ajaanib ah oo si sharci daro ah uga kaluumaysanaya biyaha badda Somaliland.

Somalilandpost.net/Hargeysa