Ceerigaabo: Ardayda Dugsiga Sare ee Xaaji Aadan oo Raalligelin ka Bixiyey Muddaharaad ay Sameeyeen

 

Ceerigaabo(SLpost)-Ardayda Fasalka Afraad ee Dugsiga Xaaji Aadan ee magaalada Ceerigaabo ayaa guddoomiyaha gobolka Sanaag ka raaligaliyey mudaharaad cabasho ah oo ardayda dugsigani dhawr cisho ka hor ku tageen xarunta waxbarashada gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo.

Gudoomiyaha ardaydan oo ku hadlaya afka ardayda ayaa raaligalin mugweyn u jeediyay guddoomiyaha gobolka “Aniga oo ku hadlaya afka ardayda dhigata dugsiga Xaaji Aadan, waxaannu guddoomiye kaa raaligalinaynaa khaladkii maalintii dhawayd halkaa ka dhacay, arrinkaasi muu ahayn mid aannu annagu ujeedadiisa lahayn”

 

Maamulaha Dugsiga, macalimiinta iyo waalidka ardaydan ayaa halkaa hadal raaligalin iyo waano isugu jira ka jeediyay.

 

Halkan Ka Daawo  Raaligalinta Ardayda oo Muuqaal ah: