Ceelasha iyo Ilaha Biyaha Somaliland oo Markii u horeysay la diiwaan-gelinayo

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ku hawlan hirgelinta Qorshe lagu diiwaangelinayo Ceelaha iyo Ilaha Biyaha ee guud ahaan dalka, sida uu shaaca ka qaaday Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Biyaha Saleebaan Cali Koore.

Wasiirka Saleebaan Cali Koore oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Yuusuf oo maanta saxaafadda la hadlay, waa uu shaaca ka qaaday in markii ugu horeysay dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga samayn doono tira-koob ku saabsan Xogta Ilaha Biyaha, iyadoo qorshahani koobsan doono tirada iyo Tayada Ceelasha Biyaha iyo Goobaha kale ee laga helayo Biyaha guud ahaan dalka.

“Waxa nagu soo noq-noqday oo aanu xog-ogaal dhab ah u noqon weynay in aanu ogaanno gobol kasta iyo degmo kasta biyaha uu haysto. Mararka qaarkood waxay keentaa inaanu xog-ogaal ka  noqon weyno sidaanu Biyaha ugu qaybin lahayn dalka,” Sidaas waxa yidhi Wasiir Saleebaan Cali Koore oo maanta saxaafadda kula hadlay Xarunta Wasaaradda Kheyraadka Biyaha.

Faahfaahinta Warkan, kaga bogo Muuqaalka Hoose iyo Arrimo Wasiirku ka hadlay 

https://www.youtube.com/watch?v=RhzmWF5f_FU

Somalilandpos.net
contact@somalilandpost.net