Ceelasha Biyaha Shiinaha Oo Dhamaantood Lagu Tilmaamay Kuow Wasakhoobay

Shiinaha(Slpost)-Baaritaan lagu sameeyay biyaha Shiinaha, ayaa lagu helay in in ka badan siddeetan boqolkiiba biyaha ceelasha inaysan nadiif ahayn oo aan la cabi karin laguna qubaysan karin.

harada

Wasaarada Qayraadka Biyaha ee Shiinaha, ayaa tijaabisay in ka badan laba kun oo ceel ee bariga waddanka, waxayna heshay in ku dhawaad soddon boqolkiiba oo kaliya in loo isticmaali karo beeraha iyo warshadaha.

Ku dhawaad konton boqolkiiba biyaha laga soo qaaday ceelasha ayaan bini’aadanka uusan isticmaali karin.

Masuuliyiinta Shiinaha ayaa dadwaynaha u xaqiijiyay, iyagoo sheegay in magaalooyinka badankood biyaha la cabo ay ka helaan harada biyaha lagu kaydiyo iyo biyo ka yimid dhulka aad u hooseeya.