Ceebta ka taagan dunidii ‘’Koowaad’’

 

Ilaa shalay waxay warar ku qaadaa dhigayeen ceeb weyn oo saamaysay in ka badan 30 milyan oo qof. Mareeg dad ka is shukaansaya gaar ahaan kuwooda masuuliyiin ta ah ee guryaha leh ee gabadh kale ama nin kale u shukaansi tegayaa ay ku xidhiidhaan oo la yidhaahdo Ashley Madison saldhiggeeduna uu yahay Kanada ayaa wiiggan la jabsaday oo sirtii dad tiradooda lagu qiyaasay 37 milyan dibadda la soo dhigay.

Tuugta tiknoolajiyada casriga ah ayaa bishii aynu soo dhaafnay ee Julay u digay mareegtan kuna hanjabay in ay jabsan doonaan, sirta iyo qudhun ka lagu huursadana shaanshaan ka ridi doonaan. Ugu danbayn se shalay ayay si rasmi ah u shaaciyeen in ay jabsadeen macluumaad gaadhaya 10 GB.

Mareegtan waxaa halkudhig u ah ‘’Noloshu way gaaban tahay. Xidhiidh samayso’’. Mareegta waxaa leh shirkad la yidha Paul Biderman’s Company. Nin ka leh shirkadan waxaa lagu naanaaysaa ‘boqorka macsida iyo gogoldhaaf ka’.

Illahay baa ceeb asturee, waxay soo daabaceen oo baahiyeen faahfaahin ku saabsan 37 Milkyan oo qof oo ka mid ah dad kii ku xidhiidhijiray mareegtan si ay macsi u sameeyaan. Waxay baahiyeen email address ay leeyihiin saraakiil maamusha baanan ka adduun ka, 100 masuul oo ka tirsan xukuumadda UK (civil servants) iyo qaar kale oo shaqaale ka ah xarunta Kaatoliga ee Faatigaan ka. Guud ahaan kolka la isku daro masuul iyo maalqabeen UK oo keliya waxaa xubno ka ahaa 1.5 milyan xubnood. Waxaa la sheegayaa dadyowgaa malyuunnaad ka ahi in ay dhammaantood guryo iyo xaasas leeyihiin isla markaasi ay xidhiidho la lahaayeen qaar kale oo iyaguna xaasas ah.

Mareeg ta lafteeda ayaa maanta caddaysay in ay sheegashadaasi wax ka jiraan oo ay macluumaad badan la’dahay lana xaday. Kooxda jabsatay mareegtan waxay isku magacaabeen ‘’Impact Team’’. Bishii hore ee Julaay ayay sheegeen in ay mareegtan burburin doonaan sirteeda oo dhanna dibadda soo dhigi doonaan. ‘’Waxa aanu dunida u faahfaahin doonnaa khaayinnimada iyo dullilnimada mareegta ALM (Ashley Madison) iyo dad ka xubnaha ka ah ee qoysas kooda iyo ummadda ay xilal ka u hayaan khaayimaya’’. Waxay kooxdani sheegteen in ay yihiin ‘’xarakada dammiir ka’’ (moral crusade).

Ugu danbayn, Mareegtani ma cusba, maqal keeduna maanta uguma horreyso dad ka, gaar ahaan Galbeedka, waxaa se fajac iyo waxaan la aqbali karin noqotay tirada xubnaha ku jiraa inta ay le’egyihiin iyo sida ay dhammaantood masuuliyiin xil ummaddeed haya iyo maalqabeenno ubad iyo reero leh u wada yihiin.

Illaahow ceebtayada astur!

Mustafa A Nuur